Posts

Showing posts from May, 2020

AL-HAMID: HALYEEY U BAXAY ISLAAXINTUU U KACAY

Image
W/Q: Dr. Muhammad al-Mukhtar al-Shinqiti. Nasiib uma aanan yeelan inaan toos u la kulmo Cabdalla Alxaamid, hase ahaatee si kedis ah ayaan ku bartay muddo labaataneeyo sano laga joogo. Dabadeed isla waagaas ayaan bilaabay la socodka fikirkiisa iyo waxqabadkiisa. Ciddii u horaysay ee aan magiciisa ka maqlo waxa uu ahaa arday sucuudi ah oo aan asxaab ku ahayn Jaamicadda Texas. Qurbehaas fog waa halka ay suugaantu dhadhan gaar ah kusii leedahay e, ardaygaas ayaan ka dhagaystay maanso uu Cabdalla Alxaamid uu leeyahay, taas oo soo galaysa xayndaabka durid-siyaasadeedka kaftanka leh. Waxa maankayga ka go’i waayay labadiisa bayd ee uu ku durayo siyaasadda is-aamusineed ee Sucuudiga ka jirta, wuxuu yiri: وتحفيظٌ لقـــرآنٍ ** وويْلٌ للذي فَسَّرْ وإدغامٌ وإخــفاءٌ ** وويلٌ للذي أظهرْ Oo uu micneheeda guud noqonayo; In dawladda Sucuudigu ay ku oggoshahay intii aad daboolaysid wixii xaq ah oo iyaga dhagartooda faydaya, bulshadana ku boorinaya dalbidda xuquuqdooda. Afkana aad ka xiran

CAQIIDOOYINKA BASAY: DOODDA SALAFIYA IYO ASHAACIRO!

Image
W/Q: Abdul Quddus al-Hashimi. Markii Maxamad al-Faatix uu madaaficdiisa ku cabbaysanayay baaruudda; si uu ugu garaaco Biizandiiniyiinta (Byzantium) iyo dhufaysyada magaaladooda Istanbuul, waxay culimadii Istanbuul magaalada ku dhex hayeen fadhi-ku-dirir daran oo ku saabsan: jinsiga malaa’igtu lab iyo dheddig midka uu yahay, iyo Ibliis cabbirkiisu sagaal guri amase sagaal qol inta uu la eg yahay, iyo Nabi Ciise CS asalkiisu waxa uu yahay, iyagoo is waydiinaya ma bashar baa, ma Ilaah baa, mise waa isku-dhafanka bashar iyo Ilaah (Ilaahay baa ka hufan tilmaamahoodaas e)?! Maxamad al-Faatix dhufayska magaalada soo jabi, farsakiisana la dhex joogsay bartanka magaalada, kana takhallus hoggaamiyihii magaalada ka talinayay. Laakin arrinta muhiimka ah ee aysan taariikhyahannadu noo soo werin ayaa ah: toloow dooddii adkayd ee culimadu dhex maraysay natiijo iyo is-afgarad ma ku dhammaatay, mise wili way taagantahay?! Waa middaas caqiidada bastay ee kuwa ku abtirsadaa aysan ku dhalinayn in

U DIYAAR GAROWGA MUSIIBOOYINKA!

Image
W/Q:  Dr. Abdallah Elnafisi. Kuwa maangaab ka ahi wili kama aysan tagin joogtaynta habaar ay Maraykanka ku habaarayaan: in uu Alle duufaanno tirtira ku sallido (waa mar Alle iyo marka ay maqlaan in Maraykanku ay ku soo wajahan yihiin duufaannada Iirma -Hurricane Irma). Waxayse illowsan yihiin in maraykanku waligiisba uu ahaa meel ay dufaannadu haleeli jireen, dufaannadaasoo aanan wili Maraykan ka cirib tirin dunidan, wiliba duufaannadaasi waxay haleeli jireen Maraykan oo sidan maantay ka tabar yar, ayna ku noolyihiin dadkiisii hore. Asaasayaashii hore ee Maraykanku kama aysan qarsoonayn in degaankoodu yahay goob goor walba u nugul duufaannada, hase yeeshee waxay go’aansadeen inay deegaankaasi degaan, una babac dhigaan khatarahaas baaxadda leh. Hubaashii! asaasayaashii Maraykanka ayaaba ahaa duufaanno! Waxa ay ahaayeen duufaan xagga qabka, waxa ay ahaayeen duufaan xagga wax-soo-saarka iyo horumarka, illaa ay hanteen hoggaaminta dunidan maantay. Maraykan maalintii la asaasay

MAR ABAAR IYO MACALUUL, MARNA FATAHAADO IYO DAADAD!

Image
W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan S. Bashiir. Waxaa jira dawlado nolosha ka dhaca iyo kuwo guulaysta. Balse su’aashu waxa ay tahay: maxaa dawladana ka dhigay kuwo horumar gaara, kuwo kalena ka dhigay kuwo fashilma? Waxa aynu haysannaa hal-beegyo dhowr ah oo aan ku ogaan karno arrinkaas. Hase yeeshe mufakirka weyn -Maalik bin Nabi – waxa uu horumarkaas ama dib u dhacaas u sababeeyay hal arrin oo kaliya, arrinkaas oo ah in qofku uu yahay midka gundhigga u ah guusha iyo fashilka labadaba. Shicibka reer Japan waxa ay ku noolyihiin jaziirad go’doonsan, iyo deegaan jiyooloji ahaan (geology) cabsi badan la ga muujiyo. Waxa ayna goorwalbe la kulmi ogyihiin dhul-gariiryo noqon kara kuwo aanan waxba reebin. Hase ahaatee, dadweynaha Japan waa uu fekeray, wuuna ka tabaabushaystay masiibooyinkaas goor hore. Waxa uuna is waydiiyay: waddada badbaadadu halka ay tahay? Dhanka kale shicibka Soomaaliyeed, waxa uu ku nool yahay degaan aad u wanaagsan, iyo beled aad u qurux badan. Khayraadka xooluhuna

BEERTA XAYAWAANKA NUQULKEEDA CARBEED!

Image
W/Q: Adham al-Sharqawi. Markii uu Alexander ka faaruqay dal-furashooyinkiisii, ayaa uu amray in la soo qabto burcad ka mid ahaa burcad-badeedda, goortii burcadkii la hor keenay ayaa uu waydiiyay: sababta uu u dhacayo xoolaha dadka ee uu san lahayn? Suu yiri: anigu waxaan dhacaa doomaha yar yar, markaas ayay dadku i gu magacaabaan burcad. Adigu na cutub maraakiib ah ayaad is ka qabsataa, dadku na kuu gu yeeraan halyeey/furte (فاتح). Waa isla siyaasaddaas midda xilli walba taagan, keliya cidda isbeddeshaayi waa siyaasiinta. Markabkiibtii Alexander ka ma duwana cutubta maraakiib ee 5aad (U.S fifth fleet) ee uu maantay Maraynkanku haysto. Dhufaysyadii Hulaako ee Ciraaq na ka ma duwana taangiyada Abrams ee maantay. Rikaardoos ama Qalbi-libaax midkii looga yaqaannay dagaalladii Saliibiyiintana ka ma duwana Butin ka maantay ee uu wadaadkiisu biyo barakaysan u gu tufayo diyaaraddiisa dagaal ee Sukhoi. Nero gii fuulay dabaqa sare si uu u gu raaxaysto gubashada Roma, ka ma duwana

DP WORLD: TOOGASHADA IMAARAAT EE UMMADAHA

Image
W/Q: Cisaam al-Zayaat. Qofna ma necba horumarka, iyo in uu waddankiisu noqdo goob uu ajnabigu maalgashado. Kaliya se waa marka aysan noqon ciddaasi maalgashanaysa “DP World”- oo ah shirkad meel wal ba oo ay salka dhigata ba su’aal iyo caroba dhalisa. Dhibteedaas na waa mid aysan dadyawga horumaray iyo kuwa saboolka ahi ba isku khilaaf sanayn. DP World dalka Yemen dhibaato ayay ka kicisay, sidaas si la mid ah ayay na Maraykanka dhibaato u ga aloostay. 20 sano ka hor ayaa ay Imaaraad ku garawsadeen in batroolkoodu uusan ahaan doonin mid sii waari doona; ummaddii batrool kaliya ku tiirsanaata na ay ahaan doonaan kuwo laf-cad toobin ku haya. Kolkaas ayaa ay  bilaabeen mashruuca weyn ee Dubai Ports World (DP World). Toban sanadood kaddib markii la asaasay DP World ayay noqotay shirkadda 4aad ee u gu weyn shirkadaha dekedaha caalamka. Laakin qorshohaada isballaarineed iyo shakiyada laga muujiyay awgood ayaa su’aashan keenaya: U la jeedka DP World samaynteeda ka dambeeya ma waxaa

LA MACAAMILKA ARAGTIDA

Image
W/Q: Dr. Salah al-Fahdi Badanaa nolosheenna iyo aragtideennu ba waa kuwo ku war-wareega DADKA, baddelkii AFKAARTA! Sababtuna waa nolosheenna oo si ba’an loo gu soo dhisay ka sheekaynta “shakhsiyado burji leh”, iyadoo ay na jirto gaabis laga gaabiyay dhisidda caqliyad afkaarta la macaamili karta. Koritaankaas ayaa marka sababay dhibaato weyn, taas oo ah in uu sameeyay caqliyo aanan ka fekerin waxyaabaha laga soo wariyo dadka “kuwooda la maamuuso”, bal e, iyagoo aanan ka fekerin, oo aanan in yarna xataa ka shakiyin ka dhigta hal-ku-dhigyo, taasi oo banjarisay awooddii turxaan-bixineed ee caqliga, fadhdhiid na ka dhigtay dhaqdhaqaaqqa hab-dhismeedka firfircoon ee maanka. Barbaariddan, ayaa ka dhigtay bulshadeennii kuwo aanan mar na ba qaadan karin in aad ku khilaaftaa ijtihaad, fikir, ama aragti ka soo fushay “dadkaas”; waayo waxa loo arkayaa in aad dadkaas maamuuska leh kacdoon ku tahay, ama aadan haba-yaraatee wax qaddarin ah aadan u haynin. Halkaan, waxaa muuqanaya in la i

KELI-TALIYE

Image
Waxa muuqaal ahaan u soo jeediyay:  Sh. Cabdiraxmaan S. Bashiir . Dhibaatooyinka waaweyn ee afarta ah ee umaddeena Geeska Afrika deggan haysta, waxa ka mid ah: 1 . Keli-talis dhaqan :  oo saddex qolo ayay bulshadu dhaqan ahaan u af-duubannahay: [B] . Odayaasha dhaqanka; oo iyagu doonaya in talintooda aysan mar na ba dhammaan, doonaya na in iyagu booskii dawladda inoo buuxiyaan, umaddu na ay u sii jujuubnaato. [T] . Kuwo reer galbeedka inooga yimid; oo moodaya dhaqammadii reer galbeedku in ay ka soconayaan Afrika ama Carabta. Tusaale: kan France inooga yimaada ee la dhaqanka ah, waxa uu u haystaa in haddii aan raacno tabtay raacday France aynu hor-umarayno… ma oga ba in aan innaga iyo France aan ka la duwannahay. Taasi ma soconayso, oo waa in dhaqankaas waxna laga gooyo waxna lagu kabaa. [J] : Kuwa Carabaha inooga yimaada, sida Masar, Sucuudiga iyo meelaha la midka ah oo iyana is la khaldka kuwaas hore ay galeen galaya. 2 . Keli-talis diini ah: Culimada qaarkood dad