AL-HAMID: HALYEEY U BAXAY ISLAAXINTUU U KACAY
W/Q: Dr. Muhammad al-Mukhtar al-Shinqiti.
Nasiib uma aanan yeelan inaan toos u la kulmo Cabdalla Alxaamid, hase ahaatee si kedis ah ayaan ku bartay muddo labaataneeyo sano laga joogo. Dabadeed isla waagaas ayaan bilaabay la socodka fikirkiisa iyo waxqabadkiisa. Ciddii u horaysay ee aan magiciisa ka maqlo waxa uu ahaa arday sucuudi ah oo aan asxaab ku ahayn Jaamicadda Texas.
Qurbehaas fog waa halka ay suugaantu dhadhan gaar ah kusii leedahay e, ardaygaas ayaan ka dhagaystay maanso uu Cabdalla Alxaamid uu leeyahay, taas oo soo galaysa xayndaabka durid-siyaasadeedka kaftanka leh. Waxa maankayga ka go’i waayay labadiisa bayd ee uu ku durayo siyaasadda is-aamusineed ee Sucuudiga ka jirta, wuxuu yiri:
وتحفيظٌ لقـــرآنٍ ** وويْلٌ للذي فَسَّرْ
وإدغامٌ وإخــفاءٌ ** وويلٌ للذي أظهرْ
وإدغامٌ وإخــفاءٌ ** وويلٌ للذي أظهرْ
Oo uu micneheeda guud noqonayo;
In dawladda Sucuudigu ay ku oggoshahay intii aad daboolaysid wixii xaq ah oo iyaga dhagartooda faydaya, bulshadana ku boorinaya dalbidda xuquuqdooda. Afkana aad ka xiranaysid nusuusta diiniga ah ee bulshada uga digaysa falalka xun xun ee siyaasiga.
In dawladda Sucuudigu ay ku oggoshahay intii aad daboolaysid wixii xaq ah oo iyaga dhagartooda faydaya, bulshadana ku boorinaya dalbidda xuquuqdooda. Afkana aad ka xiranaysid nusuusta diiniga ah ee bulshada uga digaysa falalka xun xun ee siyaasiga.
Bilowgiiba ogaaday qofka maansadaas iska leh in uu yahay; nin carab macaan, aragtidiisa bini-aadamtinimo na ay ballaarantahay, uuna yahay dure-siyaasadeed leh dareen kaftan, uu na leeyahay ruux nool, iyo asal islaami ah oo laga dheehan karo maansadiisaas uu ku laray isticmaalka cilmiga Qiraa’aatka Quraanka.
Markalena ogaaday in maansooyinka sugaaneed aysan ka dhex marnayn khudbadihiisa siyaasadeed, iyadoo laga dhex heli karo khudbadihiisa maansooyin qoto-dheer oo siyaasi ah. Waxa tusaale u ah – Alle ha u naxariistee – mar uu hagogaanka Sucuudiga uga digayay inay hor istaagaan kacdoonnadii Gu’ga Carbeed, oo uu hadal-jeedintiisa ku soo gabogabeeyay labada bayd ee caanka ah ee Buxturi uu ku leeyahay:
أتاك الربيعُ الطَّلْقُ يختال ضاحكاً ** من الحُسْن حتى كادَ أن يتكلما
وقد نبَّه النيروزُ في غسَق الـدُّجى ** أوائلَ ورْدٍ كُنَّ بـالأمس نُــوَّمَا
وقد نبَّه النيروزُ في غسَق الـدُّجى ** أوائلَ ورْدٍ كُنَّ بـالأمس نُــوَّمَا
Oo uu micneheeda guud noqonayo;
In gu’guii Carbeed oo wanaag la muunsoonaya uu yimid. Uuna soo iftiimay xilli habeen mugdi ah dhexdiis, isagoo ubaxa hurda ku wargelinaya gu’ga yimid.
In gu’guii Carbeed oo wanaag la muunsoonaya uu yimid. Uuna soo iftiimay xilli habeen mugdi ah dhexdiis, isagoo ubaxa hurda ku wargelinaya gu’ga yimid.
Cabdalla Alxaamid waxa uu Alle siiyay aftahannimo iyo qalbi wax xafida. Wuxuu lahaa ruux saafi ah, geesinnimo la mahadiyo, iyo go’aan adag. Kuma uusan fiicnayn warka kiisa la maldaho, wallow uu hibo sugaaneed lahaa, takhasuskiisana ku qotomay Suugaanta (sugaanta iyo warka la maldahana xiriir qaraabannimo uu ka dhexeeyo), waxase Cabdalla ka awood batay war-caddaynta iyo hadal-furnaanta aan wax isu-qarinta lahayn, taasoo dhagar-qabaha iyo daalimkaba toos ugu dhahaysay “dhagar-qabow”, munaafaqana cod dheer ku lahayd “munaafaqoow.”
Cabdalla Alxaamid waxa uu ahaa haldoor keli ku ah bulsho ay burburisay laba awoodood oo is-diiddan: 1. Awoodda keli-taliska siyaasi iyo diimeed. 2. Awoodda xagjirka, is-gaalaysiinta iyo is-qarxinta.
Waxa Cabdalla Alxaamid iyo akhiyaar kale oo ay isku dal yihiin, xorna ahi jeexdeen waddo 3aad oo lagu magacaabo “Jihaadka nabdoon.”
Waa summad hal-abuur leh oo ay kala soo dhex bexeen nusuusta waxyiga Islaamiga ah. Waxa uuna summaddaas asal uga dhigay kitaabkiisa “الكلمة أقوى من الرصاص” isagoo qeexaya daliillo Quraanka iyo Sunnada Nabiga SCW kaga soo arooray Jihaadka nabdoon:
Waxa Cabdalla Alxaamid iyo akhiyaar kale oo ay isku dal yihiin, xorna ahi jeexdeen waddo 3aad oo lagu magacaabo “Jihaadka nabdoon.”
Waa summad hal-abuur leh oo ay kala soo dhex bexeen nusuusta waxyiga Islaamiga ah. Waxa uuna summaddaas asal uga dhigay kitaabkiisa “الكلمة أقوى من الرصاص” isagoo qeexaya daliillo Quraanka iyo Sunnada Nabiga SCW kaga soo arooray Jihaadka nabdoon:
1. الآية الكريمة: “فلا تُطِعْ الكافرين وجاهدْهم به جهاداً كبيراً”؛ [سورة الفرقان، الآية 52]
Micnaha jihaad ee ay aayaddu tilmaamayso waa: Kula jihaad Quraan. Micnaha guud ee ay aayaddu ina tusaysana waa: “jihaad hadal, ee ma ahan jihaad gacan la isula tagayo” sida uu Cabdalla Alxaamid oranayo.
Micnaha jihaad ee ay aayaddu tilmaamayso waa: Kula jihaad Quraan. Micnaha guud ee ay aayaddu ina tusaysana waa: “jihaad hadal, ee ma ahan jihaad gacan la isula tagayo” sida uu Cabdalla Alxaamid oranayo.
2. الآية الكريمة: “يا أيها النبيُّ جاهدْ الكفارْ والمنافقين واغْلُظْ عليهم”؛ [سورة التوبة، 73]
Alxaamid waxa uu ku faalleeyay: In Nabiga SCW ay ka sugnaatay inuusan munaafiqiinta kula dagaallamin digaal gacmeed oo uusan layn, waxaana halkaan ku cad in jihaadka aayaddu tilmaamayso uu yahay jihaadka nabdoon.
Alxaamid waxa uu ku faalleeyay: In Nabiga SCW ay ka sugnaatay inuusan munaafiqiinta kula dagaallamin digaal gacmeed oo uusan layn, waxaana halkaan ku cad in jihaadka aayaddu tilmaamayso uu yahay jihaadka nabdoon.
3. حديث: “سيدُ الشهداء حمزة بن عبد المطلب، ورجل قام إلى إمام جائر فأمره ونهاه فقتله”؛ [رواه الحاكم وصححه الألباني]
Alxaamid wuxuu leeyahay: Nabigu SCW wuxuu jihaadka hadalka ah ka yeelay mid aad fadligiisu u sarreeyo, sida xadiiska sare laga dheehan karo.
Alxaamid wuxuu leeyahay: Nabigu SCW wuxuu jihaadka hadalka ah ka yeelay mid aad fadligiisu u sarreeyo, sida xadiiska sare laga dheehan karo.
Alle ha u naxariistee Cabdalla Alxaamid wuu ogsoonaa cawaaqibta uga imaan kartay “Digaalka Nabdoon” ee uu si hadal iyo ficilba leh ugu ololaynayay. Wuxuu kitaabkiisa aan kor ku soo xusnay ku qeexay in: “Jihaadkaani uu waafaqsanyahay is faridda wanaagga iyo reebidda xumaanta, balse jihaadkaani ay u dheertahay halis khatareed iyo qar-iska-tuurnimo uu leeyahay.” Taasina ma aysan baqdin gelin Alxaamid inuu khatarahaas u bareero.
Wuxuu ahaa ruux ku dayasho mudan, oo riyoonaya, intaas bayna ahayd sirta awooddiisa iyo sababta hal-adayggiisa oo aan jilcin muddo ku siman soddomeeyo sano. Ogaalkiisa samanka aad buu u sarreeyay, wuxuuna ogaaday “isbeddel siyaasi ah” inuu imaadaa inay hubaanti tahay, gobollada carbeedna qaytooda ku aaddan ay ka heli doonaan isbeddelkaas. Wuxuu ogaaday in farriinta dadka indheer-garadka ahi ay tahay inay fududeeyaan xawliga isbeddelka iyadoo loo marayo waddada ugu dhow, uguna dhibaatada yar.
Wuxuu ahaa indheer-garad xilligiisa ka horeeya, oo wuxuu Gu’ga Carbeed ka hor ugu baaqay xukaamta waxa loogu yeero “الإصلاح الوقائي” -Wanaajin ka hortageed (oo ay micneheedu tahay; in isbeddel wanaajineed ay sameeyaan hoggaamiyayaasha carbeed, inta aysan bulshadu kacdoon ku samaynin ka hor, oo aan xilalkooda laga tuurin). Nasiib xumo ayayse u tahay hoggaamiyayaasha war-moogga ah in aysan fahmin farriintaas.
Manhajka wanaajineed ee ay qaateen isaga iyo asxaabtiisa mu’assasada HASM wuxuu ku baaqayaa wanaajin ka hortageed u adeega dhammaan shicibka iyo xukaamta, meel dhexena isugu keenaya xukaamta iyo dadweynaha. Sidaas awgeedna uu Sucuudigu isugu beddelayo si tartiib ah BOQORTOOYO DASTUURI ah, taasoo qoyska boqortooyada u ilaalinaysa wax ku filan oo maamuus iyo hanti ah, shicibkuna helayaan xorriyaddooda iyo sharafkooda, ayna codkooda ku go’aamminayaan cidda matalaysa ama xukumaysa, ciddaasoo u hoggaansami doonta isla-xisaabtanka iyo indha-indhaynta shicibka.
Manhajkaas wanaajineed waxa soo galaya madaxbannaanida garsoorka, iyo joojinta maquuninta dadweynaha iyo xabsiga xaq-darrada ah. Wuxuuna manhajkaas dammaanad qaadayaa xorriyadaha qofka iyo bulshada iyadoo loo marayo wixii uu sugay sharciga Islaamka. Waxaana la oran karaa in Alxaamid uu ahaa qofkii ugu horreeyay Sucuudiga ee si karti iyo hufnaan leh kana fog xagjirnimo iyo munaafaqad u soo bandhiga aragti islaaxineed dastuuri ah oo dhammaystiran.
Wuxuu Alxaamid gartay in kaliya “wanaajinta siyaasiga” ahi uu cirib-tiri karo fikirka gaalaysiinta, uuna soo af-jari karo jamaacaadka xagjirka ah. Wuxuuna meelo badan ku caddeeyay in jamaacaadkaas ay barbaari ogyihiin inta laba qolo ay Sucuudiga kasii jiraan, labadaas qolona waa: amiirrada iyo wadaaddada, kuwaasi oo iska kaashada sidii shicibku ay usii haysan lahaayeen siyaasad iyo diin ahaanba. Wuxuuna u bixiyay labadaas “mataanaha hagar-daamada iyo cadaadiska Sucuudiga”.
Alxaamid wuxuu gaaray qanaaco ah in shicibku inuu is doorto oo is xukumo ay beddel u tahay isfahamkan ka dhexeeya umarada iyo fuqahadooda ay u kaashadaan dullaynta shicibka, kuwaasoo u beddelay masaajidda Alle goobo lagu tukado loogana guulwadeeyo xukaamta -waa siduu Alxaamid u dhigaye.
Wuxuu Alxaamid ahaa mid waaqica aan ka boodsanayn, oo aragtiisa wax-hagaajineed waxay ahayd mid xaddidan oo ujeeddadeedu caddahay, caro iyo cadaawadna aan cid gaar ah u qabin. Mana ahayn aragtidiisaas mid degdeg yahay miro-dhalkeeda, ama mid ka boodsan waaqica bulsheed iyo siyaasadeed ee bulshadiisa. Sidaas daraaddeed wuxuu ugu baaqay Sucuudiga in lagu bilaabo hab siyaasadeedka Moroco ay qaadatay oo kale; taasoo ah ka wareegidda boqortooyada keli-taliska ah loona guuro boqortooyo maamulka lala wadaago, oo ay boqorka iyo cidda ay shacabku soo doorteen wadaagayaan talada dalka iyadoo loo hoggaansamayo dastuurka.
Waxaad qiyaastaa sida uu Sucuudiga ahaan lahaa hadday qaadan lahaayeen aragtidaas, iyo sida ay tusaale la mahadiyo ugu noqon lahaayeen dhammaan dalalka ku xeeran. Halka ay maantay ka tahay saldhig laga huriyo fidnooyinka iyo dhimbilaha ka aloosan caalmka carbeed, iyagoo ujeedkoodu yahay in shicibka carbeed uusan marnaba ka bixin xayndaabkaas gumeed.
Laakin waxa dhacay midduu Alxaamid iyo asxaabtiisa xorta ahi rajaynayeen lidkeeda, oo waxay Sucuudiga iyo Imaaraatka oo ku lammaan shaqo ka dhigteen gumeynta shicibka ka gadooday fasaadkooda iyo dulmigooda. Waxayna hantidii umadohooda ku dhammeeyeen maalgelinta af-gembiyo dhiig ku daataan. Waxayna Gu’gii Carbeed u beddeleen furimmo ay ka huraan dagaallo sokeeye oo ay ku hoobtaan shucuub carbeed.
Wuxuu Cabdalla Alxaamid u baxay (u geeriyooday) xagga Rabigiis, isagoo ku jira xabsiga dhagar qabayaasha, kuna dheggan manhajkiisii, kana tagay raad fikri ah iyo mid suugaaneed oo ballaaran.
Xilliyada qaar waxa la gudboon halyeeyada inay halgamaan, ayna u halgamaan inay baaqi sii ahaadaan kolka ay nolosha ka tagaan -sida uu Maalik bin Nabi yiri. Cabdalla Alxaamidna wuxuu kamid yahay halyeeyadaas uu magacoodu baaqiga ahaaday. Waxaana laga yaabaa inuu aaminsanaa mad-habkii Imaam Alxadrami -garsoorihii dawladda Muraabidiinta- ee xikmaddaan hoose ku qoray dhammaadka kitaabkiisa la dhaho “الإشارة في تدبير الإمارة”.
Wuxuu ku yiri:
“فالحقُّ ظِلٌّ ظليلٌ، والباطل منقطعٌ قليلٌ، وحقٌّ مغلوبٌ خيرٌ من باطلٍ غالبٍ”.
“Xaqa ayaa ah har la harsadoo aad u har badan, xaq-daraduna waa mid soo af-jaranta, galbata oo wiliba yar. Xaq laga adkaado ayaana marwalbe ka roon xaq-darro adkaata.”
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed.
Comments
Post a Comment