LA MACAAMILKA ARAGTIDA
W/Q: Dr. Salah al-Fahdi
Badanaa nolosheenna iyo aragtideennu ba waa kuwo ku war-wareega DADKA, baddelkii AFKAARTA! Sababtuna waa nolosheenna oo si ba’an loo gu soo dhisay ka sheekaynta “shakhsiyado burji leh”, iyadoo ay na jirto gaabis laga gaabiyay dhisidda caqliyad afkaarta la macaamili karta.
Koritaankaas ayaa marka sababay dhibaato weyn, taas oo ah in uu sameeyay caqliyo aanan ka fekerin waxyaabaha laga soo wariyo dadka “kuwooda la maamuuso”, bal e, iyagoo aanan ka fekerin, oo aanan in yarna xataa ka shakiyin ka dhigta hal-ku-dhigyo, taasi oo banjarisay awooddii turxaan-bixineed ee caqliga, fadhdhiid na ka dhigtay dhaqdhaqaaqqa hab-dhismeedka firfircoon ee maanka.
Barbaariddan, ayaa ka dhigtay bulshadeennii kuwo aanan mar na ba qaadan karin in aad ku khilaaftaa ijtihaad, fikir, ama aragti ka soo fushay “dadkaas”; waayo waxa loo arkayaa in aad dadkaas maamuuska leh kacdoon ku tahay, ama aadan haba-yaraatee wax qaddarin ah aadan u haynin.
Halkaan, waxaa muuqanaya in la isku khaldayo dadkii iyo afkaartii, oo haddii aadba fikrad gorfaysid ay la mince noqonayso dadkii fikirka lahaa in aad xagxaganaysid.
Sannado badan ka hor wili waa aan xasuustaa xilli aan ku sugnaa gole loo ga shirayay arrin ku saabsanayd arrimaha bulshada, aanna ka iri: “ma habboona in aan si go’an is ka ga qaadanno wax wal ba oo caalim hebel ka sugnaaday, sababta oo ah isaga ayaa ba qiray waxa uu dhahay in ay yihiin wax ay xasuustiisu ka caawisay; xasuustu na mar waa ay ku kaalmaysaa marna ku hoddaa”
Markaas ayaa mid caraysan i gu celiyay: “hadalkaas culimadeenna ayaad ugu dan leedahay ku na duraysaa!” Saan anna ku iri: “adiguna hadalkaas culimadii baad booskoodii u ga sare qaadaysaa, u gu na raraysaa booskii ANBIYADII aanan ba danbaabi jirin..!”
Bulshadeenna dhexdeeda gorfeynta afkaarta la ga ma sooco tan dadka, taasi na waa dhibaato ay bulshadeennu qabto, kolkaas ayay noqotay afkaar aan saamayn lahayn in la is kaga aamusaa (oo waxa aan moodnaa haddii hebel fikraddiisa la duro in isagii aan wax u dhimnay, si aysan taasi u dhicin marka waxay noqotay in la iskaga aamusaa fikradda hebel), waa “ka aamuska afkaarta maydka ah” – sida uu Maalik bin Nabi ugu magac daray ba. Arrinkaasi na waxa uu noqday mid shaac baxay oo ka aamuskaas ayaa la wada doorbiday. Waa na arrinka uu ka dhashay naqligii (nusuustii) in uu ku takrifalo caqliga, xifdigiina uu maquuniyo fahamka, waa na arrinka lagu magacaabo “ka furashada caqliga”, oo sida Salmaan Buu Nucmaan ba uu ku xusay buuggiisa [Tijaabadii Jabbaanka]: “markii caqliga loo diiday shaqadii dib u dhugashada, laga na dilay hibadii duridda nafta ayay suurtagal noqotay khaladaadkeennu in ay is biirsadaan, bal e, masuuliyaddii khaladkeennana aan dusha u saarnay dadyow kale, annaga oo waliba noolaynayna mishiinka beri-yeelidda nafta.”
Sidaas awgeed ayay bulshooyinkeennu u noqdeen kuwo ku xira saxsanaanta ama khaldanaanta afkaarta dadka kuwooda caanka ah, ama magaca leh, ama culimada ah, ama kuwa xilalka haya ama se kuwa hantiilayaasha ah, oo haddii arrin xun uu qabsado dadkaas, ama ay xilalka waayaan, ama ay hantidu dhaafto, aysan u noqonayn afkaartoodii kuwo qiimo yeesha, halkii ay shalay ka ahaan jirtay, afkaartooduna nasiib u heli jirtay aqbalaad, faafin iyo halhays-ka-dhigasho iyadoo aanan la iska shaandhayn.
Xaqiiqdii bulshooyinka caadifiga ah waxa ay dadeeyaan afkaarta (تشخصن الأفكار), oo haddii ay markaasi jeclaadaan dadka, afkaartoodana waa ay jeclaadaan – ha ba khaldanaatee, haddii ay dadkaasi nacaanna, wax walba oo ka soo fulay waa ay iska nacaan -sax ba ha ahaadaan e. Waa halkii gabayaagii Durayd Ibnu Saamit ka lahaa:
“وهل أنا إلاَّ من غزية إن غـوت غويت، وإن ترشد غزيـة أرشد..!”
Sidaasi awgeed bulshadeenna dhexdeeda haddii ay arrimaha dadka afkaarta leh ay is beddalaan, ayay is la beddalayaan aragtiyaha iyo afkaaruhooduna, u na noqonayaa fikirkii shalay wanaagsanaa oo la jecelaa mid maantay xun oo laga dido, maadaama uu xiriirka shakhsiga ahaa is beddalay.
Manhajkaasina waa mid amarka Alle SW iyo caqliga ba baalmaraya, oo Alle SW waa Isaga aayadda 8aad ee Suuratul Maaidah ku leh:
“يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (8)”
La socod wanaagsan qaybta 2aad.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
Source:
Comments
Post a Comment