BARA!



W/Q: Dr. Saleh al-Fahdi.
Qormadaan oo uu qoray gabyaaga iyo qoraaga reer Cummaan Dr. Saleh al-Fahdi, waxa ay ka mid tahay qormooyinka loo gu akhriska badnaa wadammada Carabta.
Bara u gu horrayn sida ay u dhoolla-caddayn lahaayeen, sababtoo ah diintu waji-kaduudid ma ahan, ee Alle waxa uu u soo dejiyay si ay baraare basharka ugu ahaato, qalbigooda na u dejjiso, nafsaddooda na ay xasillooni u geliso. Alle waxa uu dhoolla-caddeyska ka yeelay cibaado la gu abaal marinayo ruuxa muslimka ah;
 “تبسُّمك في وجه أخيك صدقة”.
Sidaas daraadeed ruuxii sidaas khilaafa wajigana kaduudiya, midabkiisana xanaaq iyo is buufin la baddela waxa uu garab marayaa xeerarka diintiisa. Bara sidaas. Si aan u aragno wajiyo dhool-bir la iftiimaya la na bishaaraysanaya.
Bara in dheemanta cibaadada iyo Alle ka cabsigu ba ay QALBIGA ka imaato, waa xubin sida uu Rasuulkeennu NNKH sheegay haddii ay hagaagto in jirka oo idil hagaagayo, haddii ay xumaatana uu jirka oo idil la xumaanayo. Marka haddii uu qalbigu ka bedqabo cudurada sida xaasidnimada, is-tuska, nacaybka iyo colaadda waa uu nabad galay, dadkana saafi ayuu u noqday, si wacanna waa uu falay -barakadii Alle korkiisa ha ahaatee.
Bara in masaajidda kaliya aysan ahayn goobo cibaado, ee dhulka Alle oo idil yahay. Si ballaaran ha u fahmaan in cibaadadu hawlo badan xitaa ay koobsanayso; sida Labs-ka sayniska dhexdooda -halkaasoo uu qofku waqti badan ku bixinayo si uu tajaarib caafimaad bulshadiisa ugu soo saari lahaa. Iyo sida maktabadaha halkaasoo uu qofku ku baarayo baaritaanno cilmi ah ku na kordhinayo aqoontiisa iyo garaad kiisa ba. Iyo sida dalxiiska halkaasoo dalxiisuhu ku daawanayo quruxda sameyska Alle ku na cibaadaysanayo. Iyo sida xafiisyada oo kale halkaasoo ruuxa shaqaaleha ahi ugu adeegayo bulshadiisa, masaalixdoodana ugu dhamaynayo. Iyo sidoo kale waddooyinka halkaasoo ruuxu ilaalinayo nidaamka. Iyo sidoo kale suuqa halkaasoo qofku si siman u beegayo miisaanka. Iyo sidoo kale gaadiidka halkaasoo darawalku dadkiisa u fududaynayo kala-gooshidooda iyo raridda xamuulkooda ba. Iyo sidoo kale goobaha taakulada halkaasoo lagu caawinayo kuwa baahan. Iyo sidoo kala kursiga fasalka halkaasoo ardaygu is ku gu diyaarinayo dhisidda umaddiisa. Bara in cibaadadu sidaas meel wabe u gasho, shaqo walbana ay xagga Alle qiimi u ga leedahay.
Bara micnaha is ka daahirinta sifooyinka xun xun (التخلية), ka hor kasbashada (التحلية) kuwa wan wanaagsan, u na sheegga: In amaanidda qofka uu naftiisa ammaanayo ay xadgudub naftiisa ku tahay, ayna hallaynayso fidradiisa.
“فلا تزكوا أنفسكم هو أعلم بمن اتقى”.
Maxaa ka culus hadalka mid ka is mahadinaya, u na arkaya dadka in ay yihiin kuwo lunsan, asna isu arka in uu yahay midka kaliya ee waddada toosan haya! Asagaa isu tiiriya wanaagga, kuwa kale na xumaan buu ku dhajiyaa. Aqoon li’i qayaxan iyo qab baa indha tiray waa na is la sii qummanyahay.
Bara in Alle naxariistiisu badantahay habeen iyo maalinna ay soo degto, ay na tahay dunidoo dhan mid koobta si ay u deeqdo kuwo Alle baryaya, u na ilaaliso kuwa lunsan, u na daaweyso kuwa xanuunsanaya, u na hanuuniso kuwa lunsan, ee aysan kaliya jirin cadaab habeen iyo maalin soo hoobanaysa.
Bara in Alle uu yahay kan adoommadiisa la xisaabtamaya, Alle na uu san lahayn kuwo wakiil uga ah adoommadiisa si ay kuwa gafa u xisaabiyaan:
“ما عليْك منْ حسابهم من شيْءٍ وما منْ حسابك عليْهم من شيْءٍ فتطْردهمْ فتكون من الظالمين”
Yaysan isu magacaabin la xisaabtanka dadka, iyagoo is hilmaamsiinaya in ay naftooda xisaabiyaan oo wanaajiyaan. Iimaankoodu markuu kadiyay kaddib waa ba iyagan wax gaalaysiinaya, wax na ceebaynaya, taasi na xadgudub iyo dulmi ay adoommada u gaysanayaan ayay ku tahay. Iyo shaqadii Alle oo ay iyagu isu xil saarayaan.
Bara Alle in uu yahay rabbiga kan gaalka ah siduu u yahay rabbiga kan rumeeya ee muslimka ah. Sida uu Alle idinkaba idin kugu barbaariyay diintiisa ayuu ugu hanuunin karaa ruuxa gefa raali ahaanshihiisa, bal e waxaaba laga yaabaa inuu darajo idin ka saraysa ku gallado, Alle ayaa awooda hanuuninta dadkoo idil e.
….
La socod wanaagsan qaybta 2aad.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.

Comments

Popular posts from this blog

FARQIGA U DHEXEEYA DAREEN IYO XAALAD MASKAXEED

CAQIIDOOYINKA BASAY: DOODDA SALAFIYA IYO ASHAACIRO!

HAL'ABUURKA