BEERTA XAYAWAANKA NUQULKEEDA CARBEED!
W/Q: Adham al-Sharqawi.
Markii uu Alexander ka faaruqay dal-furashooyinkiisii, ayaa uu amray in la soo qabto burcad ka mid ahaa burcad-badeedda, goortii burcadkii la hor keenay ayaa uu waydiiyay: sababta uu u dhacayo xoolaha dadka ee uu san lahayn?
Suu yiri: anigu waxaan dhacaa doomaha yar yar, markaas ayay dadku i gu magacaabaan burcad. Adigu na cutub maraakiib ah ayaad is ka qabsataa, dadku na kuu gu yeeraan halyeey/furte (فاتح).
Waa isla siyaasaddaas midda xilli walba taagan, keliya cidda isbeddeshaayi waa siyaasiinta.
Markabkiibtii Alexander ka ma duwana cutubta maraakiib ee 5aad (U.S fifth fleet) ee uu maantay Maraynkanku haysto. Dhufaysyadii Hulaako ee Ciraaq na ka ma duwana taangiyada Abrams ee maantay. Rikaardoos ama Qalbi-libaax midkii looga yaqaannay dagaalladii Saliibiyiintana ka ma duwana Butin ka maantay ee uu wadaadkiisu biyo barakaysan u gu tufayo diyaaraddiisa dagaal ee Sukhoi. Nero gii fuulay dabaqa sare si uu u gu raaxaysto gubashada Roma, ka ma duwana al-Assad ka Syria oo daawanaya gubashada Xalab. Fircawn kii dhintay waxa uu i noo dhalay hoggaamiyeyaal caqliyaddiisii oo kale wax ku xukuma (ما أُريكم إلا ما أرى = talo waa tayda uun)!
Shakhsiyaadka uu Axmed Shawqi ku xusay qasiido-sheekeedkiisa Alxayawaan, waxa ay ka dhigantahay innaga oo qasiidooyin isu beddelnay. Shakhsiyaadka Ibn al-Muqaffa’ uu ku faalleeyay kitaabkiisa Kaliila iyo Daminah waxa ay ka dhigan yihiin shakhisayadda dadka ee nolosha. Kacdoonka uu George Orwell ku xusayna kitaabkiisa Beerta Xayawaanka waxay si fog u gu egtahay kacdoonkii Gu’ga Carbeed. Waa na halkan meesha aan u gol lahayn, dulucda warkeennu na abbaarayay.
Orwell waa midka u gu mudan ee innooga warami kara kacdoonnada. Isagu ma ahayn beeraleey -haba ahaadaan beeraleeydu kuwo soo saara kacdoonnada sida ay u soo saaraan badarka oo kale. Ma na uu san ahayn aqoonyahan uun, haba ahaado qoriga aysan fikrad aqoonyahani ka dambayn mid wax dila ee aan waxba xorayn e. Hayeeshee Orwell waxa uu ahaa askari ka mid ah dowladaha u gu waaweyn ee wax gumaystay taariikhda! Waxa uu na ka tirsanaa ciidammadii Ingiriiska ee galay dagaalkii 2aad ee dunida. Waxa uu na sidoo kale ka soo dagaallamay Burma, Spain, iyo India. Sidaasi darteed wuu yaqaannay keli-talisnimada iyo keli-talisku waxa ay yihiin, iyo sida loo gumaysto shicib, iyo sida dowlad jirta iyo madaxdeedaba loo beddelo. Tan u gu muhiimsan se waxa ay tahay in uu Orwell yaqaannay sida kacdoonno loo oogo.
Inta aanan isu barbardhigin waaqiceenna Carbeed iyo dhacdoonyinka buugga Orwell, waa in aan marka hore is la meel dhignaa laba arimood:
Kow: Xayawaanka ku sugan suugaanta waa tusaale uun, ee waxa loo duur-xulayaa’i, waa dadka waaqica nool.
Labo: Tusaalayaashu waa ay u ka la duwanyihiin bulsho walbe. Tusaale ahaan; shimbirka guumaysta la yiraahdo, waxa uu dhankeenna astaan uga yahay digniin-shareed, halka uu galbeedka ka yahay tusaale-xikmadeed. Doofaarku na dhankeenna waa xayawaan la qurunsado, halka uu galbeedka u ga taaganyahay xayawaan xoog iyo faham ba ku sifoobay.
—
Dhacdooyinka riwaayaddu waxa ay ku wareegaysaa beerta Manor ee uu leeyahay Mr. Jones. Waxa ayna sheekadu ku bilaabmaysaa khudbad guubaabo ah oo uu doofaarka Major la dhaho u jeedinayo xayawaannada kale ee beerta ku la sugan, isagoo xasuusinaya dulmiga uu Mr. Jones ku hayo, ku na boorinaya kacdoon in la sameeyaa’i in ay dantu ku jirto, waddadaas ayaana ah -buu yiri- midda kaliya ee la is ku dhaafin karo keli-taliska.
Hadda ba xeerka koowaad ee kacdoonnadu waxa uu noqonayaa, in mid dadka ka mid ahi uu af ama addin dadka ku kiciyo, ku na boorriyo isbeddel in ay sameeyaan; innagoo aanan illaawayn shardiga ah in ay dadkaasi ahaadaan kuwo muddaba ku dhib qabay keli-talisnimadaas; haddii kale suurtagal ma ahan in shicib kacdoon uu ka sameeyo waaqic uu raalli ka yahay!
Horseeda ha dhabtaa ee kacdoonnada ma ahan shicibka, ee waa keli-taliska! Waxa aanan oran karnaa khudbaddii Major uu ka jeediyay Guga Orwelliga waxa ay ka dhigan tahay isgubiddii uu naftiisa gubay Maxamed buu Caziizi-gii reer Tuunis ee sabab ka u noqday kacdoonnadii Gugii Carbeed! Dulmiga Mr. Johns na waxa uu la mid yahay uun dulmiga keli-taliska wadamadeenna ka jira! Sidaasi awgeed ayay u kulmeen baahidii kacdoon iyo dhimbilihii u horreeyay ee horseedayay kacdoonka, goortaas ayay dadkuna sidii dabkii u wada hureen.
Major waxa uu dhimanayaa saddex beri kaddib khudbaddiisa, kolkaas ayaa uu qarxayaa kacdoonkii oo ay hoggaaminayaan labada doofaar ee ka la ah Napoleon iyo Snowball. Kaddib na sidaas ayaa xilka loo ga ga tuurayaa Mr. Johns, beerta na looga saarayaa, xayaawinkiina u moodayaan in ay sidaas u gu dhammeeyeen keli-talisnimadii!
Si la mid ah sidii ka dhacay waddamada Carbeed oo kale, kolkii la maleeyay in kacdoonku uu yool sidiisa u ahaa, yoolkaasna la gaaray marba haddii keli-taliskii xilka laga tuuray, dabadeedna guryaha la isaga laabtay! Waxaannu moodnay dhibtu ba in ay ku dhammaanaysay riditaanka madaxweynaha, waan se illownay in dowlad walibaa ka dhex jirto ifafaalaha loogu yeero “Dowladda Gaamurtay الدولة العميقة”, taas ayaana ka xun, ka na daran dowladda hore.
Mr. Jones waxa uu dib weerar u gu soo qaaday beertii, isagoo kaashanaya rag awood badan, si ay xukunka u la soo dhiciyaan. Hayeeshee xayawaankii ayaa ka awood roonaanaya, dibna isaga saaraya!
Dhacdadaas waa kacdoon-rogaalka (الثورة المضادة) aannu maantay ku aragnay Masar, oo dowaladda gaamurtayi in ay taliso wax aan ahayn ma fahmi karto, ka ma na ay joogsato in ay soo xirato shaati isbeddeldoon, dib na u soo rogaal celiso. Laakin waxa wax laga xumaado ahaa in xayawaankii beerta uu innaga caqli batay, waayo waxa ay fahmeen in keli-takiskii hore muuqaal cusub ku imaan karo, sidaa awgeed ma aysan iska dayacin mirihii ka soo go’ay kacdoonkooda. Halka, annagu meeshii aan ilaashan lahayn guusheenna, oo aan wax ku dhisan lahayn, aan dib u soo noolaynay keli-taliskii hore! Xilli aan u haysannay in ay dhibtu ahayd shakhsiyaddii keli-taliska ee uusan ahayn nidaamka xukunka!
Mr. Jones-kii dadka kale soo kaxaystay si ay u la soo dhiciyaan xukunka na, waxa uu si xoog leh u gu egyahay al-Assad-ka Ruushka iyo Iiraan dadkiisa u soo hor kacay.
Doofaaradii ayaa hadda qabsaday xukunkii beerta maadaama iyagu ay hormuud ka ahaayeen hawsha, waxa ayna noqdeen kuwo bilaa doorasho iyo bilaa la-tashi wax ku maamula, dowladdiina majaraha u qabta!
Xukunku maadaama uu qaali yahay, labana uu san u qaybsamayn, Napoleon waxa uu afgambi ku sameeyay saaxiibkiis Snowball, isaga oo u kaashanaya ey dooxato ah oo uu bannaanka uga yeertay. Waxa Snowball la gu tuhmay jaajuusnimo waa na loo dilay.
Waa si la mid ah sidii uu Jamaal Cabdinaasir ku sameeyay Ikhwaan al-Muslimiinka, iyo Maxamed Najiib oo labadaba saaxiib ku la ahaa kacdoonkii uu wadanka ku qabsaday! Iyo si la mid ah sidii Saddaam Xusseen iyo Xaafid al-Asad ku sameeyeen saaxiibbadoodii xisbiga Bacthi!
Kacdoonku haddii uu sidiisa hadaf u noqdo, dowlad la dhisaayi na jiri mayso, ka na fursanmayaan kacdoon-wadayaashu in ay keli-talisyo isu beddelaan. Doofaarkii Napoleon ahaa na dastuur buu dhigay mutidiisu tahay: “Napoleon waligiis wuu saxanyahay”! Napoleonna xaqiiqdii ka ma duwanayn madaxda carabta ee maantay.
Shakhsiyaadka dheeriga ah ee riwaayadda la gu xusay waa kuwo innagu dhex nool, oo faraska Boxer la yiraahdo waxa uu wacdaro ka dhigay kacdoonkii ka dhanka ahaa kacdoon-rogaaalkii. Boxer si dedaal badan ayuu u shaqeeyaa laakiin ma uu fekero, nasiib xumo se in la khiyaamaa kuwa wanwanaagsan ee daacadda ah waa ay fududdahay! Bisadda Mollie la dhaha na waxa ay iibsatay mabaadi’deeda iyo akhlaaqdeeda si ay u hesho dheef shakhsi ah. Nasiib xumo waxaa jira maalaayiin maantay la mid ah bisadda Mollie, kuwaas oo ku nool xeerka oranaya: “anigu aan baraaro ciddii kale na dufaantu ha qaaddo hadday rabto”. Kuwaasi waxa ay u maleenayaan joogtadooda in ay iibsanayaan, balse nasiib xumo waxa ay iibinayaan mustaqbalka caruurtooda! Halka dameerka Benjamin la dhaho uu yahay shaydaan af xiran; wax walba waa uu ogsoonyahay laakiin danta guud ma soo faragashto! Shaydaammadaas afka xiranna haddii aynan xitaa dambi aan aamuuskoodaas kaliya aanan ahayn aysan gelin, haddana hubaashii waa kuwo galay dambi aad u weyn!
Ugu dambayn waa uu lumay kacdoonkii, waxaa na beddelay keli-talisnimadii! Shacabka aanan kacdoon-wadayaashiisa u la xisaabtamin sidii ay u la xisaabtameen keli-taliskoodii na, ka ma dhammaadaan in ay la rafaadsanaadaan keli-talisnimo. Kacdoon-wadaha aanan ka dhowrsan damaca keli-talisnimada na, waxa uu ba markiisii hore ahaa mid aan ka dagaallamaynin keli-talisnimada ee balse u kacay in uu qaybtiisa ka soo dhacsado.
Farqi weyn baana u dhexeeya in aan ka soo horjeedsanno tuugnimada, maadaama ay tahay tuugnimo. Iyo in aan ka soo horjeedsanno tuugnimadaas maadaama aynan ka helin qaybteennii markii la qaybsanayay xoolahaas la dhacay.
كلّ ثورةٍ وأنتم بخير!
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
Source:
Comments
Post a Comment