DAWYADA RAALLI-GELINTA EEBBE
W/Q: Dr. Tareq al-Suwaidan.
In badan waxa aan ka fekerayay, ma in aan qoro maqaal ku saabsan arrimaha fekerka, waayo waa meesha asalka u ah dhammaan arrimaha kale e, ayna farac u sii noqonayaan, umaddu baahi ayay u qabtaa wacyi-feker, kaas oo kala saaraya waxa asal islaamiya ah, iyo waxa dhaxal iyo caada soo-jireena iska ah, hase ahaatee ku dhex milmay asalkii islaamka?
Mise siyaasadda ayaan ka qoraa, halka ay maantay umaddu ka marayso fool adag oo ay isku dhaafinayso xag-jirka iyo kali-taliska. Labadooda (xag-jirka & kali-taliska) ayaana sabab weyn u ahaa faragelinta shisheeye oo dhinac ah iyo awoodsiinta xagjirka sahyuuniyadda oo dhinac kale ah?
Mise waxa aan ka qoraa maareynta (الإدارة) iyo ku hagidda dhallinyarada sida ay u ga bixi lahaayeen addoonsiga-shaqaalenimada, u na gaari lahaayeen yagleelidda mashaariic ayaga iyo umaddoodaba wax taraya?
Mise waxa aan ka qoraa hoggaanka iyo sida aan u soo saari lahayn, u na diyaarin lahayn hoggaanka mustaqbalka, ugu na tabobari lahayn si ay umadda ugu hagaan mustaqbalkeeda barwaaqada leh?
Mise waxa aan ka qoraa horumarka iyo sida loo sameeyo, iyo sida aan u isticmaali lahayn waddooyinka qorshaynta-istiraatiijiyadeed ee cusub, si ay himillooyinkeennu u noqdaan kuwo xaddidan, lana qiyaasi karo, kana baddelan intii aan iskaga dhawaaqi lahayn halku-dhigyo guud sida “Islaamka ayaa ah xal الإسلام هو الحل”?
Mise waxa aan ka hadlaa dhibaatooyin ka umadda dib-u-dhacca ku sii haynaya, iyo noocyadooda, iyo sida loo waajihi karo, waana cilmi cusub oo ay waajib innagu tahay barashadiisu?
Dhammaan mawduucyadaas iyo kuwo kaleba niyadayda ayay kusoo dhaceen marka aan ka fekerayay inaan wax qoro, waxa aan se go’aansaday la tashshiga akhristayaasha sharafta leh.
—
Inta xilligaas laga gaarayo se, waxa aan goostay in aan ka hadlo arrin ay diinta Islaamka kala gaar noqotay diimaha kale, marka laga hadlayo [gaaritaanka raalli ahaanshaha Alle SW].
Diimaha kale waa ay muujinayaan waddada ruuxiga ah si Alle SW raali ahaanshihiisa loogu gaaro. Waxaa jira oo kale waddo ku gaarsiinaysa raalli-ahaanshaha Alle iyadoo la adeegsanayo acmaasha cibaadooyinka ee la wada garanayo.
Islaamku se, waxa uu furay albaab loogu tafannuni karo (doorashooyinka islaamka oo badan awgeed) si loo gaaro raalli-ahaanshaha Alle SW iyada oo loo marayo waddooyin aan tiro lahayn, halkaan ayuuna ka ahaaday magac bixinta cinwaanka maqaalka.
Mar ayaan qoray in qofka muslimka ahi leeyahay dooroshooyinka waddooyin badan oo uu jannada ku gaari karo, waxaana ka mid ah waddooyinkaas cibaadada Alle, cilmiga, sadaqada, jihaadka, siyaasadda, fanka iyo qaar kale. Waxaase ii timid diidmooyin badan oo oranaysa: sidee bay siyaasaddu u noqon kartaa waddo jannada lagu geli karayo?! Maya ee, layaabyo ka sii badan waxa uu iiga yimid fanka, halka aysanba u malayn karinba in uu noqon karo waddo ka mid ah waddooyinka jannada!
Dabcan, siyaasaddu way noqon kartaa waddo ka mid ah waddooyinka jannada, bal e, ka ajar badan caabidka soonka iyo salaadda badan kaas oo ugu dambaynta naftiisa uun anfacay, halka siyaasiga hufan caqligana u saaxiibka ah, daacaddana ugu shaqeeya dadkiisa uu wadankoo idil waxtaray, maya ee, waxtarkiisu wadankaba ka sii gudbayo, wuuna sii noolaan haddii uu geeriyoodo, oo qawaaniinta iyo mashaariicdii waxtarka lahaa ee uu sameeyay ayaa sabab uu ku sii noolaado ka dhigaya. Waana sida aan ka aragnay Cumar ibnu Cabdicasiis iyo Yuusuf Ibnu Taashafiin oo kale -AHUN, ama saxaabadii Nabiga ee waaweyneed -Alle haka wada raali noqdee.
Hase ahaatee, layaabka ah in fanku noqonayo waddo kuwa jannada ka mid ah, waxa ay ku tusinaysaa xaddiga uu le’egyahay sida maanka dadka la isugu xiray fanka iyo dhaqan-xumada.. taas oo misana ku tusinaysa xaddiga wacyigalineed ee la rabo si loo baddelo qanaacadaas dadku aamineen, waa haddii aan doonayno in aan xaddaarad hagaagsan samaynno.
Aragti-celinta laga bixiyay, kuwo kamid ah waxa ay fankii ku soo koobeen in uu yahay kan waddooyinka iyo dhismayaasha kaliya, haba ahaadaan labadaas tusaaleyaal wanaagsan oo ay lahayd taariikhda umaddeena, haddana fanku intaas ka gudo weyn.. bal e, suurtagal maba ahan dhisme xaddaaradeed fan iyo qurux-dhadhansi la’aantood! Qiyaas intee ayay noloshu ahaan lahayd mid lagu daalo haddii ay bilaa faneedyo ahaan lahayd (guryaha oo bilaa farshaxan ah, sijaayadaha oo bilaa farshaxan iyana ah, baabuurta oo billaa midab ah, midbayada oo aan ahayn kuwo is bilaya, muuqaallada la daawado iyo maqallada la dhagaysto oo wada arag iyo maqal xun, matxafyadoo faaruq iska ah, dharka oo isku wada hal naqshad ah, kumbuyuutarka oo shaqo uun loo adeegsanayo, iyo dacwadda oo wacdi kaliya ah). Bal e, qiyaas dhammaan funuunta kala duwan oo ay haystaan kuwa aan muslimka ahayn ama gaalada ah kaliya, maxay markaas dhadhdhan yeelan lahayd xadaaradda islaamka?!
Cibaadada Alle, laba arrin oo keli ah ayay dhammays ku noqotaa, waana Ikhlaas (Alle oo loo gaar yeelo) iyo in aan la garab marin waxa shareecadeenna huffan ku sugnaaday. Haddaba funuunta, culuumta, wax soo saarka warshadaha, kan ganacsiga, kan siyaasadda, kan militariga, qalabka dhismaha iyo wixii la mid ahba, dhammaantood waxay noqonayaan CIBAADO haddii aysan sharciga saxan garab marin, kuna suntanaato niyad wanaagsan, waxa ay markaas la jaad-noqonayaan sida ka shaqaynta horumarka umadda iyo dalbidda arsaaqad wanaagsan oo kale. Bal e, culimada kuwoodii hore iyo kuwa haddaba waxa ay isku raacsan yihiin, [Awliyada Alle] in ay noqon karaan ganacsato, farsamo-yaqaanno, askar iwm, ayna kulminayso hadalka Alle SW:
“أَلا إِنَّ أَوْلِيَاءَ اللَّهِ لا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلا هُمْ يَحْزَنُونَ”
Labo shardi kaliya ayay leeyihiin:
“الَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ”.
Hadda qiyaas, intee waddo ayaad ku wanaagsanaan kartaa, si aad Idan Alle jannada ugu gaartid.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax – (Af-soomaali).
April 2017.
Source:
Comments
Post a Comment