KELI-TALIYE
Waxa muuqaal ahaan u soo jeediyay: Sh. Cabdiraxmaan S. Bashiir.
Dhibaatooyinka waaweyn ee afarta ah ee umaddeena Geeska Afrika deggan haysta, waxa ka mid ah:
1. Keli-talis dhaqan: oo saddex qolo ayay bulshadu dhaqan ahaan u af-duubannahay:
[B]. Odayaasha dhaqanka; oo iyagu doonaya in talintooda aysan mar na ba dhammaan, doonaya na in iyagu booskii dawladda inoo buuxiyaan, umaddu na ay u sii jujuubnaato.
[T]. Kuwo reer galbeedka inooga yimid; oo moodaya dhaqammadii reer galbeedku in ay ka soconayaan Afrika ama Carabta. Tusaale: kan France inooga yimaada ee la dhaqanka ah, waxa uu u haystaa in haddii aan raacno tabtay raacday France aynu hor-umarayno… ma oga ba in aan innaga iyo France aan ka la duwannahay. Taasi ma soconayso, oo waa in dhaqankaas waxna laga gooyo waxna lagu kabaa.
[J]: Kuwa Carabaha inooga yimaada, sida Masar, Sucuudiga iyo meelaha la midka ah oo iyana is la khaldka kuwaas hore ay galeen galaya.
2. Keli-talis diini ah:
Culimada qaarkood dadka waxa ay u sheegaan ra’yigooda oo kaliya, haddii la ga hadlayo mas’alo dhawr qawl oo kala duwan ka soo aruuray. Sida saxda ah waxa ay ahayd in qofka la baraa inta qawl ee ku soo aroortay ee la qaadan karo, qofka na la siiyo masaaxo xorriyad ah.
3. Kali-talis dhinaca tarbiyadda ah:
Mujtamaca aan ku noolnahay saddex qolo ayaa jirta: waalidka, macallinka iyo loo shaqeeyaha.
[B]. Waalidku markuu gurigiisa joogo waa keligiis-taliye, ciyaalka ma ba haystaan tarbiyad xor ah.. ilmuhu la ma doodi karo, wada-hadal u ma furi karo; kac, seexo, cun, cab, xiro iyo bax, ayay u dhaxaysaa sheekada dhex martaa. Waxa markaas abuurmaya qof bilaa shakhsiyad iyo bilaa dadnimo leh.
[T]. Macallinka: ardaygii markuu iskuulka tagana, wuxuu arkayaa macallin keligii hadla oo aan waxba loo sheegin. Ardaygii wuu ka baxayaa, Jaamicaddii buu hadana tegayaa meeshii macallin oran lahaa waxaas soo baara, waxaa loogu soo koobayaa waa sidaas iyo sidaas meel kale ha u dhaqaaqin, hadduu ardaygu wax kale baaritaan ku keeno, si ka duwan sidii macallinku qorayna u jawaabo waa uu dhacayaa imtixaanka.
[J]. Loo shaqeeyaha: Qofkii haddana wuu shaqo tagayyaa wuxuu tagayaa meel uu ninka maamulaha ah uun wuxuu rabo la ga ga dhaqmayo.
4. Keli-talis siyaasi ah: taasi oo noqnaysa tii Fircawn oo kale kolkii uu yiri:
“Waxba ma arki kartaan waxa aan anigu idiin arko mooyee, idiin ku na hanuunin maayo waddada toosan mooyee mid kale.” -Aayad.
Haddaba culimadu waxa ay yiraahdaan, bulshadu iyadaa abuurata keli-taliskeeda, keli-talisku na isaga ayaa abuurta shicibkiisa.
“Wuu quursaday, wayna addeeceen.” -ayuu Aayad kale Alle ku yiri.
Mufakirka weyn ee reer Tuunis Raashid al-Qannuushi, xarakada al-Nahda na hogaanka u ah ayaa waxa uu yiri:
“Caalamka carabta, iyo kan muslinka, iyo dunida saddexaad iyo afrikaba waa wershad weyn oo soo saartaa keli-talisyada.”
Keli-talisku ma ahan hal qof oo madaxa uun. Macallinku waa diktaateer, shiikha masjikda tujiya waa diktaateer, haddii aad masaajidka ka dhex tiraahdid wax uusan jeclaysan, masaajidka midkaan ka saara ayuu oran. Cid kale inay kitaab ka mariso dooni mayo xitaa, isagu un baa isa siiyay masjidka.
—
Waxaa qoraal u beddelay: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
Comments
Post a Comment