FARQIGA U DHEXEEYA DAREEN IYO XAALAD MASKAXEED
W/Q: Dr. Tareq Al-Suwaidan.
Dagaalladu dhinacyadeenna ayay ka dhacayaan. Is-qabqabsiyada caalamiga ah, kuwa gobolka, iyo kuwa gudaha ahba bulshadeennii ayay miiranayaan. Dhibaatooyinka iyo musiibooyinkuna waa ay naga sare noqdeen. Keli-talisyadu waa kuwo gummaadaya shacabkoodii, si ay u ilaashshadaan xilalkooda iyo kuraastoodan iska tegi doona. Argagixissaduna muuqaalkeenna ayay goobwalbe ku foolxumaynayaan. Magaalooyin iyo gobollo isku dhanna waa ay gumeysanayaan, boqollaal kun oo dad ahna guryahoodii ayay ka barakicinayaan, si ay u noqdaan qaxooti suga dhacdooyinkaasi waxa ay u soo rari doonaan.
Intaas oo dhib ah dhexdooda, suurtagal makuu tahay in aad xasillooni-nafeed dareentid?!
Si aan uga jawaabno su’aashan aannu horta laba mid kala saarno XAALAD iyo DAREEN.. taasi waxay ahayd aragti ka mid ah baaritaan qurux badan oo uu magiciisu yahay: The very important difference between a feeling and a state of mind. Iyo aragti kale oo cinwaankeedu yahay: How to change your state of mind?
Aynu tusaaleheenna ku bilawno farqiga u dhexeeya jacaylka iyo kalgacalka (الحب والمودة) kuwaasi oo ku yimid aayaddii quraanka ahayd, ee qeexaysay: in guryuhu ku dhismaan labadaas (ee ay jacayl kaliya ku dhisnaan), muxuu yahay haddaba farqiga u dhexeeya labadooda?
Jacaylku: waa dareen (feeling). Dareennaduna waa kuwo wakhti ku muddaysan, dhakhso ama si is xigana isu baddela. Halka kalgacaylku yahay: xaalad maanka ka ahaata (state of mind). Xaaladduna waxaa dabeecad u ah in ay muddo sii jiri karto -khasab ma ahan in ay waligeed jirto e.
Tusaale kale oo aad ka fekertaan haddana:
Murugadu waa dareen halka niyad-jabku (Depression) se uu yahay xaalad. Farxaddu sidoo kale waa dareen halka xasilloonidu ay ka tahay xaalad. Xanaaqqu waa dareen, nacaybku se uu yahay xaalad. Inaad wax xaasiddaa waa dareen halka in aad uur-xumo aad cid u haysaa ay tahay xaalad. Qajilaaddu waa dareen, halka xishoodku se uu yahay xaalad. Raaxada-jirku waa dareen halka raaxada-qalbiguna ay tahay xaalad. Yididiilladu waa dareen halka wanaag-filashadu se ay tahay xaalad. Baqdintu waa dareen halka quusashadu ay ka tahay xaalad. U hoggaansamidu (التسليم) waa dareen halka rumeyntu se ay iyana tahay xaalad.
Farqiga ma ogaateen?
Darreennada wanaagsan iyo kuwa xun waa kuwo si joogta ah u dhacaya -doonnay’aa ama diidnayaaba. Inaan xakamaynnana waa mid jiri karta -aadba ha u koobnaato e, ayada ayaana qaabaysa aragtideenna wanaagsan ama xun ee aan nolosha ku fiirinayno.. illaa in aannu leennahay mooyee xaalad-maskaxeed ka awood weyn dareennadeennaas. Xaaladaha maanka se annaga ayaa dooranna, waanan awoodnaa xakamayntooda, korintooda iyo baddelkooda intaba. Sida caadada ahna xaaladahaas joogto ayay u sii jiraan ama muddo dheer ayay sii baaqi ahaadaan.
Dareennada qayb ka mid ahi way wanaagsanyihiin (sida dareennada xanaaqqa iyo qajilaadda oo kale) haddii ay qofka u kaxaynayaan ficil wanaagsan; sida baabi’inta xumaanta iyo diididda dulmiga ama dhaqammada xun xun oo kale. Waxaase shardi u ah in aysan isu beddelin xaalad xadgudub, argagaxin iyo wixii la hal maali kara!
Sidaasi daraaddeed run ayuu sheegay caalimkii yiri: “Maxay cadawgaygu igu sameyn karaan, xabsigay i geliyaan waa ii la kaliyoobid aan naftayda ku la kaliyoobayo, cayrinta dhulkayga la iga cayriyaana waa ii dalxiis, dilkayguna waa ii shahaado”. Waxa uu ka faalloonayay xaalad-maskaxeed, taas oo asaga gacantiisa iyo go’aankiisa qura ku jirtay, ee aan ku jirin gacan cid kale.
Aannu hadda su’aashii koowaad dib u soo celinno: intaas oo dhib ah dhexdooda (kuwa aan bilowga maqaalka ku xusnay), suurtagal ma inoo tahay inaan xasillooni dareemno?
Haddii aannu ka hadlayno dareennada way adagtay dabcan in aan xasillooni dareennaa, haddii se aan ka hadlayno xaalad-maskaxeed, dabcan waannu awoodnaa oo gacanteenna iyo go’aankeenna ayay ka ahaataa xasiloonnidu, waa na middaas midda aannu ku magacawno (xasillooni-gudeed السلام الداخلي). Waddada ugu weyn ee lagu gaarana waa isku-xirka Alle SW adigooo u sii maraya Magacyadiisa wan wanaagsan.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
Isniin, 5 Juun 2017.
Source:
Comments
Post a Comment