CAQIIDOOYINKA BASAY: DOODDA SALAFIYA IYO ASHAACIRO!
W/Q: Abdul Quddus al-Hashimi.
Markii Maxamad al-Faatix uu madaaficdiisa ku cabbaysanayay baaruudda; si uu ugu garaaco Biizandiiniyiinta (Byzantium) iyo dhufaysyada magaaladooda Istanbuul, waxay culimadii Istanbuul magaalada ku dhex hayeen fadhi-ku-dirir daran oo ku saabsan: jinsiga malaa’igtu lab iyo dheddig midka uu yahay, iyo Ibliis cabbirkiisu sagaal guri amase sagaal qol inta uu la eg yahay, iyo Nabi Ciise CS asalkiisu waxa uu yahay, iyagoo is waydiinaya ma bashar baa, ma Ilaah baa, mise waa isku-dhafanka bashar iyo Ilaah (Ilaahay baa ka hufan tilmaamahoodaas e)?!
Maxamad al-Faatix dhufayska magaalada soo jabi, farsakiisana la dhex joogsay bartanka magaalada, kana takhallus hoggaamiyihii magaalada ka talinayay. Laakin arrinta muhiimka ah ee aysan taariikhyahannadu noo soo werin ayaa ah: toloow dooddii adkayd ee culimadu dhex maraysay natiijo iyo is-afgarad ma ku dhammaatay, mise wili way taagantahay?!
Waa middaas caqiidada bastay ee kuwa ku abtirsadaa aysan ku dhalinayn inay magaaladooda difaacdaan, ama ay dumarkooda ka ilaashadaan qafaalasho iyo addoonsi.
Maankayga ayay ku soo dhacday qisadaas mar aan eeg eegayay dood ka dhalatay shir lagu qabtay Garozny- Shiishaan (Chechnya) si loogu lafa-guro “Fahamka Ehlu Sunnah wal Jamaaca” oo ay ka qayb galeen culimada caalamka islaamka qayb ka mid ah si ay marti ugu noqdaan Butin-ka ay diyaaradihiisu dagaal garaacayaan magaalada Xalab iyo magaalooyinka kale ee Suuriya.
Wadaaddada Bashaar al-Assad iyo Siisi-ga Masar waa iyagan ka midka ah martida shirka e miyayba xeeriyaan “Jamaaco” wax la yiraahdaba? Wadaaddadaas martida ku ahaa shirka Garozny waxay ahaayeen kuwo aanan marnaba u kicin u gargaarka shicibkooda xilligii ay u soo banbaxeen inay iska rogaan heeryada keli-taliska, kana dhiidhiyeen fasaadkiisa iyo bahdilkiisaba. Nasiib xumo se wadaaddadaasi waxay la safteen keli-talisyada iyagoo aanan u aabbayeelayn shicibkaas la dulminayo.
Dhinaca kale Salafiyada Khaliijku waxay gaashaanka u daruureen war-murtiyeedkii shirkaas ka soo baxay -maadaama Salafiyada lagaga tuuray Ehlu Sunnaha, kuna andacoodeen Salafiyadu in arrinkaasi dadka muslimka ah uu kala gaynayo, isku-duubinidoodana wax udhimayo.
Waxa la yaabka iyo maadda leh ayaase waxay tahay; Salafiyada Khaliijku inay arrinkaas iyagu ayba horay hormuud ugu ahaayeen, muslimkana ay fahamkooda ku kala firdhiyeen, xayndaabka “Ehlu Sunnahana” ay ka saareen Ashcariyada iyo Maaturiidiyada -oo lagu qiyaaso muslimka dunida ku nool inay ka yihiin 95%, kaligoodna ay isku soo reebeen Ehlu Sunnaha.
Caqiidooyinkaas basay ee aannu ku barannay goobaha fadhi-ku-dirirka, ayaan ahayn Salafiyo iyo Ashaaciraba kuwo ka dooda sifaatka ficliga ah ee Alle SW, waqti badan oo habeenkii ahna ku lumiya fadhi-ku-dirirkaas innagoo is waydiinayna; toloow soo degiddaas uu Ilaahay xadiiska hoose ku sheegayo ma soo degid dhab ah baa mise waa mid majaaz ah (metaphorical)?
“ينزل ربنا تبارك وتعالى إلى السماء الدنيا كل ليلة حين يبقى ثلث الليل الآخر فيقول: من يدعوني فأستجيب له، من يسألني فأعطيه، من يستغفرني فأغفر له، حتى ينفجر الفجر”
Markaas ayuu muranku nala tagi jiray, jeer aan hurdo la dhacno, markaas ayuunan midkeenna u kici jirin inuu Alle salaad u tukado waqtigaas ajarka badan ee uu xadiisku sheegay in Alle samada soke u soo daadego.
Illaa iyo maantay kama aysan tagin Ashaacirada iyo Salafiyadu inay ka doodaan “Istawaha Alle SW ee carshigiisa” ma xaqiiq baa istiwahaas mise waa majaaz? Markiise ay carshiyada keli-talisku gilgisheen (xilligii kacdoonnadii Gu’ga Carbeed) waxay u soo carareen inbadan oo Ashaacirada kamid ah inay dhidibbada u adkeeyaan carshiyada keli-taliska. Salafiyada Khaliijkuna waxay la gaar noqdeen inay u duceeyeen carshiyadaas inay baaqi u ahaadaan keli-taliska, lagana fogaado balaayada/fitanta middeeda muuqata iyo teeda qarsoon, dhab iyo majaaz kay doonto haka ahaatee.
Caqiidooyinkaas basay kuwa ku abtirsada waxay noqdeen kuwo dhankii ay rabaan ba u jiifiya. Oo Salafiyadii ka fogaan jirtay in la ta’wiiliyo sifooyinka Alle waxay dhex dabaasheen ta’wiilinta iyo u qiil-dayidda gabood-fallada keli-talisku uu muslimiinta u gaysto. Ashaacirada ta’wiiliya sifaatka Eebbana waxay ta’wiil la’aan ugu dhageen nusuusta kusoo aroortay adeecidda xaakimka, iyagoo aanan ta’wiikoodii halkaan ku dayin.
Waxay jecelyihiin culimada noocaas ah in doodahaas maran ay sii jiraan, waayo af-miishaarnimadaas (ay ku fiicanyiin) ayay aaminsanyihiin inay ku ilaashan karaan jagadooda iyo jiritaankoodaba. Marka ayse sheekadu dhabta tagto, loona baahdo in mabaadi’du adeegto ayaa la waayaa meel ay ka baxeen, godadkoodana galaan.
Kuwa noocaas ahi ha ogsoonaadaan: inta ay Ashcarinimadoodu aysan la mid ahayn Ashcarinimadii Cizz Ibnu Cabdisalaam marka uu keli-taliska la macaamilayay, amase Ashcarinimadii Salaaxuddiin al-Ayuubi kolkii uu Saliibiyiinta la dagaallamayay, amase Salafinimadoodu aysan lamid ahayn tii Ibnu Taymiyah iyo jihaadkiisa, iyo Salafinimadii Imaam Dahabi iyo caddaaladiisa/xaqsoorkiisa, ha ogaadeen kuwaasi in caqiidooyinkoodaas basay ee muranka kaliya ka adag ay tahay mid farax gelinaysa Yahuudka duullaanka ah iyo gumaystaha Kirishtaankaa.

W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed | 05-05-2020.
Comments
Post a Comment