U DIYAAR GAROWGA MUSIIBOOYINKA!
W/Q: Dr. Abdallah Elnafisi.
Kuwa maangaab ka ahi wili kama aysan tagin joogtaynta habaar ay Maraykanka ku habaarayaan: in uu Alle duufaanno tirtira ku sallido (waa mar Alle iyo marka ay maqlaan in Maraykanku ay ku soo wajahan yihiin duufaannada Iirma -Hurricane Irma).
Waxayse illowsan yihiin in maraykanku waligiisba uu ahaa meel ay dufaannadu haleeli jireen, dufaannadaasoo aanan wili Maraykan ka cirib tirin dunidan, wiliba duufaannadaasi waxay haleeli jireen Maraykan oo sidan maantay ka tabar yar, ayna ku noolyihiin dadkiisii hore.
Asaasayaashii hore ee Maraykanku kama aysan qarsoonayn in degaankoodu yahay goob goor walba u nugul duufaannada, hase yeeshee waxay go’aansadeen inay deegaankaasi degaan, una babac dhigaan khatarahaas baaxadda leh. Hubaashii! asaasayaashii Maraykanka ayaaba ahaa duufaanno! Waxa ay ahaayeen duufaan xagga qabka, waxa ay ahaayeen duufaan xagga wax-soo-saarka iyo horumarka, illaa ay hanteen hoggaaminta dunidan maantay.
Maraykan maalintii la asaasay illaa iyo hadda waxa ay la noolaayeen dabayllo iyo duufaanno joogto ugu dhufta, waxaadba mooddaa in ay duufaannadu uga dhiganyihiin dabaaldegyo-guuleed oo kale. Waxay goorwalbe si howl yari ah ugu ka la bixiyaan magacyo hadba duufaantii soo kororta, sidii inay ilmohooda magacyo u bixinayaan oo kale, innaguna sidii qumayadii ayaan baasaysi iyo habaar uga falcelinnaa magacyada duufaanahaas.
Dabcan, waxa la helayaa kuwo igu eedaynaya inaan Maraykanka faaninayo, sidii inaan ahayba qof hilmaamsan burburkii uu Maraykan u gaystay dhulalkeenna Carbeed. Hase yeeshee waxaan aad ula yaabanahay dhaqanka dadka diyaar-garowga u yaqaanna habaarka kaliya.. habaar qalalanna aaminsan in uu Alle aqbalayo.
Waan ku jahwareeray doqonnimada noocaas ah ee dadka qaar gaarsiisay inay aaminaan in Quraanka lagu sheegay dufaanta Iirma ( Irma waa dabayl Maraykanka ku dhufatay sanadkii hore 2017). Habaar kaliyana haddiiba uu dowlado baabi’in karo waxaa goor hore ku kaaftoomi lahaa khulafadii wanwanaagsanaa iyo halgamayaashii hore ee Islaamka, waxayna ahaan lahaayeen kuwo aanan magaalada Madiina kasoo bixin ee halkaas ka soo dira gantaallo habaarro ah (waa sida maantay dhacda e), mana ay ahaadeen kuwo hardan joogto ah uu dhex maro labadii boqortooyo ee Ruum iyo Furus iyo kuwii lamidka ahaa, ee waxay ku kaaftoomi lahaayeen mucjisada habaarka.
Maraykanu waa uu jiray duufaanihii (Kaatriina) iyo (Saandi) kaddib, waa uuna sii jiri doonaa duufaanta (Iirma) kaddib, waxa uuna Maraykan ahaanayaa mid sidaas u awood badan inta uu raacayo xeerarka Alle ee awoodda. Wuuna burburayaa haddii uu qaato asbaabaha burburka. Wuuna taag-darraynayaa Maraykanku haddii la helo dowlad kale oo si isaga ka wanaagsan ugu diyaarsan hoggaaminta dunida. Sababtoo ah siismada Alle uu qolo awood siiyaa kuma xirna inay muslim yihiin iyo in kale, ee waa hadba ciddii geyda jagadaas una soo diyaar garowda. Ilaahay SW xeerarkiisu isu beddeli maayaan si ay carab ugu hiilayaan ama uga farxiyaan iyagoo aanan asbaabtiiba la iman, Allena sunnantiisu is ma beddesho,
{ولن تجد لسنة الله تبديلا}.
Maraykan habaar ku burburi mayo, kaliya habaarka qolo asbaabtii awoodda la timaadda mooyee. Markase la helo kuwo sidaas ula yimaada asbaabaha awoodda, waxa hubaal ah in Maraykan uu noqon doono mid aan tabar iyo taag toonna sii lahaan:
{ذلك وأن الله موهن كيد الكافرين}.
Waxaase in la is waydiiyo mudan: muxuu yahay burburka Maraykan ku imaanaya innagoo ah kuwo ka hoos-kalluumaysta xadaaraddiisa ku dhisan maadiga-soocan iyo shahwaaniyadda xad-dhaafka ah (Excessive sensuality)?
Sidee buu Maraykan u baaba’ayaa iyadoo aqalkeenna madow (Kacbada) uu maantay magan u yahay aqalkooda cad (The White House)?
Maxaan baahi badan u qabi lahayn duufaanno innaga tirtira caqliyadaas maangaabnimadu ka buuxdo ee habaartamaysa kaliya!
—
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
Source:
Comments
Post a Comment