MAXAA SAMEEYA NOLOL WANAAGSAN ?
Waxa muuqaal ahaan madasha TED u ga jeediyay: Robert Waldinger.
Qormadaan yar waxa aan idiin ku gu soo gudbinayaa nuxurka diraasaddii dheerayd ee jaamicadda Harvard ay ka samaysay farxadda iyo waxa nolol wanaagsan sameeya. Robert Waldinger oo madasha TED ka jeedinayay diraasaddaas, waxa hadalladiisii ka mid ahaa:
“Farriinta cad ee aan ka helnay cilmi baaristaan toddobaatan iyo shanta sano qaadatay ayaa waxa ay tahay:
In xiriirrada fiicani ay innaga dhigayaan kuwo faraxsan oo caafimaad qaba. Waxa aannu diraasaddan ka barannay saddex cashar oo xiriirrada ku saabsan.
1. In xiriirrada aan la wadaagno bulshada aan ku dhex noolnahay ay inoo wanaagsan yihiin, keli-nimaduna ay inoo xun tahay.
Waxaa caddaatay dadka aadka xiriirka fiican u la leh qoysaskooda, saaxiibbadood iyo bulshadooda ba in ay ka farxad iyo caafimaad qab badan yihiin in ka badanna ay sii noolaan karaan, marka loo barbardhigo kuwa aanan iyagu xiriiro fiican la lahayn.
2. In aysan kaliya muhiimaddu ahayn tirada saaxiibbada aynu leennahay, ama aysan ahayn inaan xiriir lammaane leennahay iyo in kale, bal se muhiimaddu tahay tayada xiriiradaas dhow.
Waxaa inoo caddaatay, in ku dhex noolaanshiyaha isku-dhacyo xiriireed ay aad ugu xunyihiin caafimaadkeenna. Tusaale; qoysaska aadka isku-dhacoodu u badanyahay, ee aanan lahayn jacayl xooggan waxa uu saameyn xun ku yeeshaa caafimaadkooda, waxaa ba la ga yaabaa in ay caafimaad ahaan u ga saameyn xun yihiin kuwa is fura ee ka la tagay. Ku dhex noolaanshiyaha xiriirro diirran oo wanaagsanna, caafimaad ahaan ayay difaac i noo gu yihiin.
3. In xiriirrada fiican aysan kaliya difaac u ahayn jirkeenna e, ay sida oo kale maskaxdeennana difaac u yihiin.”
Gunta iyo gabagababada; aan tayayno xiriiradeenna, kaalimaha xiriir ee aan ciyaarna na aan ku dedaalno gudashadooda, si aan if iyo aakhiraba farxad iyo nolol wanaagsan u helno.
—
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
Comments
Post a Comment