MAR ABAAR IYO MACALUUL, MARNA FATAHAADO IYO DAADAD!
W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan S. Bashiir.
Waxaa jira dawlado nolosha ka dhaca iyo kuwo guulaysta. Balse su’aashu waxa ay tahay: maxaa dawladana ka dhigay kuwo horumar gaara, kuwo kalena ka dhigay kuwo fashilma? Waxa aynu haysannaa hal-beegyo dhowr ah oo aan ku ogaan karno arrinkaas. Hase yeeshe mufakirka weyn -Maalik bin Nabi – waxa uu horumarkaas ama dib u dhacaas u sababeeyay hal arrin oo kaliya, arrinkaas oo ah in qofku uu yahay midka gundhigga u ah guusha iyo fashilka labadaba.
Shicibka reer Japan waxa ay ku noolyihiin jaziirad go’doonsan, iyo deegaan jiyooloji ahaan (geology) cabsi badan la ga muujiyo. Waxa ayna goorwalbe la kulmi ogyihiin dhul-gariiryo noqon kara kuwo aanan waxba reebin. Hase ahaatee, dadweynaha Japan waa uu fekeray, wuuna ka tabaabushaystay masiibooyinkaas goor hore. Waxa uuna is waydiiyay: waddada badbaadadu halka ay tahay?
Dhanka kale shicibka Soomaaliyeed, waxa uu ku nool yahay degaan aad u wanaagsan, iyo beled aad u qurux badan. Khayraadka xooluhuna waa dalka ugu horeeya caalamka Carabta, gaar ahaan geela. Waxa uuna koonfurta ku leeyahay laba webi kuwaasoo socda sanadka intiisa badan. Cimilladiisuna waa mid dhex dhexaad ah. Dhul-deegaan ahaanna uma dulmana qofka soomaaliyeed, oo Eebbe waxa uu ku beeray goob wanaagsan.
Japan waxa ka jira horumar aanan caadi ahayn, sababtuna waa QOFKA. Dawladda Japan waxa ay ka guul gaartay dhisidda qof aqoon leh, halkaas ayuuna shicibka reer Japan uga baxay dib-u-dhicii. Sida la saadaaliyo waxa la rajaynayaa in ay Japan noqon doonto qarniga soo socda waddanka ugu horumarsan caalamka. Waxaana xusid mudan in Japan ay maantay qiblad u tahay dawladaha horumaray, waa isagii Mahatir Muhammad uu lahaa: “marka aan salaad tukashadeed rabana xagga Makah ayaan qaabilaa, markaan horumar adduun qorshaynayana Japan ayaan u jihaystaa.”
Soomaaliya waxaa ka jira mashruuc aanan sal adag lahayn, waayo xaaladdu wili waa sidii ay ahayd 60 sano ka hor, sababtuna waa qofkii soomaaliga ahaa oo aanan weli isbeddelin! weli waa sidii uu ahaan jiray beri hore. Fekerkiisu waa mid qabiileed, ogaalkiisa waa mid la-maqnaysiiyay. Waxbarashaduna wili heer-hoose ayaa ay joogtaa. Sidaas daraaddeed xaaladda Soomaaliya iyo midda Jabuuutiba wili waa mid aad u liidata. Yididiillo horumareedna jirimayso inta qof horumarsan la la’yahay.
Qofka jiritaankiisu kuma xirna joogitaankiisa jir-ahaaneed kaliya, hase yeeshee jiritaankiisu waa inuu ka baxo moogganaanta fikireed ee haysata, kana koro jahawareerka siyaasadeed, baahidiisa ruuxi ahaaneedna ay dawoowdo, waana midda ay Aayaddu tilmaamayso:
وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا رَّجُلَيْنِ أَحَدُهُمَا أَبْكَمُ لَا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلَاهُ أَيْنَمَا يُوَجِّههُّ لَا يَأْتِ بِخَيْرٍ ۖ هَلْ يَسْتَوِي هُوَ وَمَن يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ ۙ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (76)
“Waxa (kale) oo Eebbe tusaale ka yeelay laba nin oo midkood afxiranyahay aan waxba awoodin, dhibna ku ah sayidkiisa, meel kastuu u jeediyana aan wanaag la imaanaynin, ma simanyihiin isaga iyo ruux faraya cadaaladda, jid toosanna ku sugan.”
Qofkaas ay Aayaddu tilmaamtay waxa uu xambaarsanyahay dhibic walbe oo dib-u-dhac ah. Ma ahan mid khibrad u leh nolosha, xirfad iyo takhasusna laguma oga. Waa qof taban oo badbaado ka sugaya dad kale, ma awoodo inuu naftiisa beddelo, qofka noocaas ah ayaa sabab u ah fashilka. Hase yeeshee qofka samaynaya guusha waxa uu Quraanka ku sifeeyay hal sifo:
(يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ ۙ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ)
(Waa ruux faraya cadaaladda, jid toosanna ku sugan)
Sannad walbe Soomaaliya, Jabbuuttii iyo cid walba oo la mid ah waxa ay galaan labo safar, mid jiilaalka ah iyo mid xagaaga ah. Safarka koowaad waxa uu ku caan yahay abaar iyo xoolaha oo bakhtiya. Waxaana bata dawarsiga beesha caalamka oo aan laga maarmayn sannadna. Safarka labaadna waxa uu ku caan yahay cabasho laga cabanayo biyaha iyo saamaynta roobabka. Waa laba xilli oo u kala daran bulshada aanan dadkeedu diyaarsanayn. Sidaas daraaddeed waxaannu arkaynaa in hab-fekerka noocaas ahi uu fashilka ka yeelayo xaalad waarta, taasoo aanan lahayn waddo looga baxaa illaa dib loo diyaarinayo dadka.
Netherlands iyadoo haysata 3 milyan oo lo’ ah kaliya ayay noqotay dowlad caalamka oo dhan u dhoofisa caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo dheef-xoolaadka, sidaas daraaddeed Netherlands waxay kamid tahay dowladaha horumay; halka Soomaaliya iyo Suudaan ay leeyihiin in ka badan 60 milyan oo xoolo ah, haddana ay si caadi ah isaga noolyihiin gaajo iyo faqri. Waxayna Soomaaliya, Suudaan, Jabuuti, Itoobiya, iyo Eretariya ku caanbaxeen dawladahii gaajada, sababtuna waa: nidaamka siyaasiga ah ee dawladahaas oo aanan qorshahooda ku darsan dhisidda qofkii isbeddel samayn lahaa.
Dawladaha caalamku waxa ay waajahaan tijaabooyin adag (challenges), waxa ayna saacad walbe leeyihiin qorshayaal iyo beddelo lagu waajahayo khataraha soo foodsaari kara. Halka dawladeheennu ay yihiin kuwo ku fashilmay u maamulidda nolosha si dabiici ah.
Halkan Soomaaliya, Jabbuuti, Suudaan iyo Xabashida waxa ka jira fashil-akhlaaqeed. Akhlaaq-wadareedka dowladaha horumaray ayaa ah midka ka dambeeya guul walba, waayo waa meel uu qofku garanayo kaalintiisa.
Waxaase is waydiin mudan: Ramadaankan darsi ma u noqon doonaa dadka muslimiinta ah si ay u beddelaan fikirka dib-u-dhacaa, ayna u sameeyaan nolol wanaagsan oo beddesha aayohooda?
—
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
X/S: Shutterstock.
Comments
Post a Comment