DP WORLD: TOOGASHADA IMAARAAT EE UMMADAHA



W/Q: Cisaam al-Zayaat.
Qofna ma necba horumarka, iyo in uu waddankiisu noqdo goob uu ajnabigu maalgashado. Kaliya se waa marka aysan noqon ciddaasi maalgashanaysa “DP World”- oo ah shirkad meel wal ba oo ay salka dhigata ba su’aal iyo caroba dhalisa. Dhibteedaas na waa mid aysan dadyawga horumaray iyo kuwa saboolka ahi ba isku khilaaf sanayn. DP World dalka Yemen dhibaato ayay ka kicisay, sidaas si la mid ah ayay na Maraykanka dhibaato u ga aloostay.
20 sano ka hor ayaa ay Imaaraad ku garawsadeen in batroolkoodu uusan ahaan doonin mid sii waari doona; ummaddii batrool kaliya ku tiirsanaata na ay ahaan doonaan kuwo laf-cad toobin ku haya. Kolkaas ayaa ay  bilaabeen mashruuca weyn ee Dubai Ports World (DP World).
Toban sanadood kaddib markii la asaasay DP World ayay noqotay shirkadda 4aad ee u gu weyn shirkadaha dekedaha caalamka. Laakin qorshohaada isballaarineed iyo shakiyada laga muujiyay awgood ayaa su’aashan keenaya: U la jeedka DP World samaynteeda ka dambeeya ma waxaa weeye; in Imaaraatku uu dhaqaalaha la gaar ahaado kaliyaa, mise ujeeddo-siyaasadeed qarsoon ayaa ku hoos laaban mashruucan?
“Waxa aannu maamulkooda la wareegi doonnaa dekedaha waaweyn ee mandiqadan i na gu la tartami kara. Waxa aanan ka yeelaynaa kuwo hawlahooda gaba, si dekadaha Dubaay ay marwalbe kaalimahoodaas hore u gu sii jiraan. Qiimaha burburinta waa isaga marwalba ka hawl yar qiimaha dhisidda ku bixi kara e; waxa aan curyaaminta dekedahaas u wakiilanaynaa dadka degaannadaas ka soo jeeda sidaas ayaa hawl iyo shaki yar e.” Ereyadaas kooban ayaa la gu soo aruurin karaa damaca DP World.
DEKEDDA CADAN: Dheemman ay DP World Qoor-goysay
—————————
Dekedda Cadan waxa ay ahaan jirtay caalamka dekedda 2aad ee doonyaha iyo maraakiibtu ka sii qaadan jireen shidaalka marka laga tago New York oo iyadu tan 1aad ahayd. Waxa ay ahayd la-tartamaha ugu xooggan, masaafo ahaanna ugu dhow dekedaha Dubaay.
Dekedda Cadan si loo sii horumariyo awgeed ayaa ay DP World heshiis 25 sano ah 2008 dii la saxiixtay Yemen. Imaaraad ku waxay heshiiskaas saxiixiisa kaliya ay madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ku siiyeen lacag gaaraysa 600 oo milyan oo Dollar. Sidaas ayay na DP World u gu guulaystay gacan ku dhigiddii dekedda Cadan.
Waxa ay DP World markiiba faraha ka qaadday dayactirkii uu ubaahnaa qalabkii lagu shaqaynayay ee dekedda, waxana meeshii ka baxay qalabkii xiriirka; taasoo dhibaato weyn ku keentay wada xiriirkii iyo wada shaqayntii shaqaalaha. Waxaa haddana xigay sare u qaadid 80% ah oo la gu sameeyay khidmadda soo xirashada doonyaha, taasoo doonyaha u ga dhignayd cayrin bareer ah. Waxa ay haddana DP World sii gadday qalabkii dekedda ee shaqaynayay iyadoo ku andacoonaysa in ay yihiin qalab kharaab ah oo aan la isticmaali karayn. Intaas waxaa sii dheeraa, waxa ay ku talagal hoos u gu dhigtay mushaharaadkii shaqaalaha dekedda, si ay shaqaaluhu u gu khasbanaadaan in ay shaqada isaga tagaan, shaqooyin kale na u raadsadaan.
Dekeddii Cadan waxa ay isu beddeshay deked transit kaliya noqota, oo ay doonyaha waaweyni ku rogaan konteennarada yar yar, dabadeedna ay uga sii ambabaxaan dekedda Dubai ee Jabal Cali (waa sidii la la doonayay e).
Shirkadihii la macaamili jiray dekedda Cadan waxa ay bilaabeen in ay u wareegaan Jabbuuti -oo ay iyana sidoo kale Imaaraatku gacanta ku hayeen.
Arrintaasi waxa ay keentay kacdoon ay dhaliyeen shicibkii Cadan joogay oo ay gaajo ba’ani ka soo gaartay burburkii dekeddooda.
Kacdoonkii Yemen ee xilka la ga ga tuuray Cali Cabdalla Saalax kaddib, waxa uu Wasiirka cusub ee Gaadiidka ka dalbay Imaaraadka in ay u hoggaansamaan qodobbadii heshiiska ku qornaa -heshiiskaasoo aan markii hore ba waxqabadkiisu ka dhab ahayn Imaaraadku.
DP World markii ay xaaladdu ku xumaatay waa ay  isaga huleeshay Cadan. Wasiirkii Gaadiidka se saddex mar ayaa uu ka badbaaday dhagarta is-ku-day-dil kaasoo lagu khaarijin lahaa. Heshiiskii Cadanna halkaas ayuu ku laalmay, waxaana labada dowladood (Yemen iyo Imaaraadka) dhexmaray hardan-garsoor, kaasoo uu xaqu marna Yemen u hiilinayay, marna uu laaluushku Imaaraadku saacidayay.
Markale ayay se Imaaraat dib u gu soo laabteen Cadan, iyagoo ku socda magaca “gaashaanbuurta التحالف”. Awood ciidan ayay se markaan Cadan ku soo galeen ee xeeladaysi-heshiis ku ma aysan iman, balse dekeddii markale dib u la wareege.
Wixii hadda ugu dambeeyay ee 25-Nov-2017 (bishaan aan hadda ku jirno) ka dhacay dekedda Cadan waxa uu ahaa: in Imaaraadku u dideen doon China la ga leeyahay in ay xammuul ku rogto dekedda Cadan, taasoo keentay in shaqaalihii dekedda uu ka kaco falkaas xun, ku na khasabtay ciidammada “gaashaanbuurta” in ay u ogolaadaan doontaasi in ay xammuulka rogto.
La socod wanaagsan qaybta 2aad.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.

Comments

Popular posts from this blog

FARQIGA U DHEXEEYA DAREEN IYO XAALAD MASKAXEED

CAQIIDOOYINKA BASAY: DOODDA SALAFIYA IYO ASHAACIRO!

HAL'ABUURKA