HAL'ABUURKA
W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan S. Bashiir.
1. Nolosha ayaan u fiirsaday, saa waxa aan ogaaday in ay guul waliba ka dambayso sir; hadda ba sirtaasi maxay noqon?
Sirtu waa hal-abuurid ee ma ahan kaga-dayasho. Nabinimadu waa hal-abuur Eebbe oo samada ka soo degay si loo gu rabbeeyo xaaladda bini-aadam diiday cusboonaysiinta. Cusboonaysiinta farriinta islaamku na, waa qarnigii ba hal-abuur mar ah. Waxa ugu wanaagsan hal-abuurku na waa ka gaar ahaansho; oo ah in qofku uu wax aan si caadi ahayn u la gaar ahaado. Ma ahan hal-abuurku xaaladdii jirtay la sii jaanqaadkeeda ama sii joogteynteeda. Qof ka nolosha si gaar ah u gu guuleystayna waa qof hal-abuur ah. Qofka hal-abuurka ah na waa qof dhiggiis ka gaar ahaaday. Waxa aad mooddaa in xiriir adagi ka dhaxeeyo hal-abuurka iyo ka gaar ahaanshiyaha.
2. Sooyaalka waxa aan ka helay dad aragti lahaa oo guuleystay. Markii aan guushooda sii raacay na waxa aan helay in ay gaar noloshoodu ahayd. Ma aysan ahayn dadka oo kale dhanka hab feker ka iyo hab dhaqan ka ba. Xassan al-Bannaa ma uusan ahayn Azhari (Jaamicadda al-Azhar ka baxay), haddana waxa uu hal-abuuray samaynta mid ka mid ah jamaacadaha ugu waaweyn dunida muslinka -waa ikhwaanka e. Xasan al-Turaabi na ma uu san ahayn mid dhammaystay mac-had diini ah, laakin se waxa uu si gaar ah ugu guulaystay dhaqaajinta fekerka islaamiga ah ee kolkaas habacsanaa, iyo saamaytii uu ku yeeshay. Maxamed al-Qasaali na ma ahayn mid waxbarasho kulliyadeed dhigtay, haddana waxa uu si hal-abuur leh u awooday in uu laf dhuun gashay ku noqdo fekerkii gumeystihii duullaanka Masar ku ahaa. Raashid al-Qannuushi na ka mid ma ahayn ardaydii Zaytuuna ka baxay (Jaamicadda Zaytuunah) hase ahaatee, gaar ahaanshiyihiisii waxa uu dhaxal siiyay in uu noqdo tiir ka mid ah tiirarkii fekerka Islaamiga ah ee Tuunis iyo dunida oo dhan.
3. Waxa aan u fiirsaday guulaha dawlado yar yar ay gaareen. Waxaanan arkay in ay guushoodu ka dambaysay siyaasid gaar ahi. Qadar oo kale, waa dawlad yar, hase ahaatee kaalin weyn ka qaadata abuuridda siyaadaha dawlado kale, taas oo ka dhigtay in ay gun-dhig u noqoto xaalado badan; sida in ay goob-joog ka tahay qadiyadda labada Suudaan u dhaxeeya, iyo in ay kaalin mug leh ka qaadato faylka Jibuuti & Ereteriya. Waxa ay sidoo kale goob-joog u tahay malaf-dawladeedyo badan oo u dhaxeeya xarakooyin jihaadi ah iyo dowladaha reer galbeedka.
Haddaba su’aasha ayaa waxa ay tahay; maxay samaysay dawladdaan yari oo ka dhigay lambar adag oo xaaladaha cakiran ka dhex muuqda? Jawaabtu waa in ay hal-abuur gaar u ga noqotay dunida kale ee carabta, oo iyagu in qarni ah ba dhaqan isku wada eg ku sugnaa. Waxa ay kaloo Qadar ku guuleysatay abuuridda telefishinka Aljazeera oo ah midka ugu wanaagsan ee ay carabi leedahay xilligan halka aragti uun la maqli ogyahay [زمن الرأي الواحد] . Waa na markii u gu horaysay ee muwaadinka carbeed iyo kan muslinka ah ba uu daawan karo telefishin astaan ka dhigtay: [aragtida iyo teeda kale الرأي والرأي الآخر].
4. Waxa aan aad u eegay guusha imaarada Dubaay, ganacsi iyo maal-gashi ahaan ba. Waxa aanan helay guusheedu in ay aragti gaar ahi ka dambaysay, hoggaanka Dubaay na uu diiday in uu shidaal kaliya ahaado isha dhaqaale ee ay imaaraddoodu ku tiirsanaanayso. Guushii imaaradda Dubaay na waxa ay noqotay guul u horseedday Imaaraadka oo idil in uu guulaysto.
Guushaas waxaa sameeyay nin aragti hal-abuurnimo hoggaaminta u lahaa, kana saaray dawalddii oo idil fadhiidnimada, maantayna waxa uu noqday horumarkoodaas mid lagu lafa-guro jaamicadaha waaweyn ee dunida, keentay na in meel walbe dadku uga yimaadaan. Waxa ay na sidoo kale noqotay magaalo caalami ah oo la tartanta magaalooyinka waaweyn ee dunida. Sida ay warbixinnada caalamiga ahi qirayaanna waxa ay Imaaraadka, Qatar iyo Turkigu ba xubno ka noqonayaan dawladaha dhaqaale ahaan laga maamuuso dunidan. Sababtu na waa hogaannada dawladahaas oo aanan ahayn kuwo si iska caadi ah hoggaaminta u ga fekera.
5. Fannaanku maamuus yeelan mayo haddii uu san ahayn hal-abuure. Maantay waxa tusaale muhiima ah wixii ay fannaaniinta Turkidu ka sameeyeen fashilintii af-gembigii 2016. Kuwo badan ayaa ku dooda in kaalinta fannaaniintu ay san ahayn mid sidaas u sii durugsan, balse waxaa suuragal ah in ay kaalin mug leh mudnaanayaan haddii ay la yimaadaan hal-abuur iyo gaar ahaanshiyo. Waxa jira fannaan aan iska noolayn, ee goob-joog ka noqda sooyaalka iyo nolosha umaddiisa, tusaale na waxaa ah fannaaniinta Turkidu oo usoo wada kacay iyaga oo kala duwan in ay af-gembiga MAYA dhahaan!
Halkeennan (Bariga Afrika), fannaanku ra’yi ku ma lahan siyaasadda, midkii ku leh na ama dawladda ayuu la saf yahay ama wuu ba ka jiraa. Mar mar dawladda ayuu khilaafaa qabiilkiisa iyo kooxdiisa ayuuna la aragti noqdaa, saasoo ay tahayna hal-abuurkii faneed ka idlaa gobolkeenna.
Fannaanka hal-abuurka ah nolosha ayuu sameeyaa, oo waa ba su’aale: miyuu fannaanku fannaan noqon karaa hal-abuur la’aan? Miyuu san hal-abuurku ka dambayn fanka? Waayadii hore waxa aan arki jirnay, fanka oo u sameeya dadka dhadhammadooda (ذوق), maantayse gobolkeenna waxa aan aragnaa siyaasiyiintu inay fannaaniinta u sameeyaan dhadhammadooda.. sidaas fannaaniitu ma wada aha, balse waa sida loo badanyahay.
6. Khadiibka hal-abuurka ah waa gaar noqde, sooyaalkana waxa aan ku arkay khudbad-yahanno ku baaqi noday taariikhda, sababtuna waa hal-abuurkooda. Waa kee midkeenna aan garanayn khudbad-yahankii Shiikh Cabdixamiid Kushki -AUN ? Maxaa ay illaa iyo hadda umadda muslinka ahi u xasuustaan? Shiikhu xilligiisii ma uusan ahayn midkii ugu aqoonta badnaa xagga diinta, laakiin se waxa uu awooday in uu la yimaado asluub cusub oo loo baahiyo diinta. Si xooggan buu na u gu guuleystay arrinkaas, sababtoo ah waxa uu ahaa mid gaar noqday. Dhammaan kuwa isku dayay in ay sidiisii oo kale jilaanna si xun ayay ugu fashilmeen jiliddaasi, sababtoo ah sidaasi asaga ayay gaar u ahayd, murtidu na ku ma jirto in la is jilo, ee waxay xikmaddu ku jirtaa in aad asluubkaaga gaarka ah adigu aqoonsatid oo aad yeelatid, waana sida uu yeelay Shiikh Caa’id al-Qarni dhammaadkii 80aadkii, asna sidoo kale ayuu wax-jeedintiisa ugu guuleystay si hal-abuurnimo leh.
7. Jaraa’idkii al-Ummah (مجلة الأمة) ee Qadar ka soo bixi jiray waxa uu ahaa gaar, waxaana gaarnimadaas ka dambeeyay hal-abuurkii uu sameeyay Ustaad Cumar Cabiid Xasnah -oo reer Suuriya ahaa, waxa ay majalladdaasi awoodday in ay kaalinta koowaad ka noqoto dunida muslinka 80aadkii qarnigii tagay, waxa ayna soo jiidatay hal-abuurro badanoo qalin-maal ahaa iyo sidoo kale akhristayaal badan, waxayna ahayd majallad wanaagsan oo fekerka cusayb ku quudisa. Waxa ay ugu dambayntii na soo saartay kitaabka al-Ummah (الأمة) oo waagii dambe isku beddalay mashruuc fekereed ka qayb qaata dhisidda maanka ruuxa muslimka ah, halkaas ayay na mashaariicda mufakkiriin badan ka soo shidaal qaateen, waxa uu na noqday mashruucii ugu muhiimsanaa taariikhdaas. Sababtuna waxay ahayd hal-abuur, hal-abuurkaasoo uu ka dambeeyay gaar-ahaanshiyo.
8. Masaajidda Turkiga waxa uu tusaale u yahay xaalad hal-abuur, oo waxa uu gudihiisu kulansaday cusuyb iyo duug, waa duug muuqaalkiisa sooyaaleed, laakin se marka aad gudihiisa gashid waxa aad dareemin in aadan ku sugnayn matxaf-taariikheed kaliya, ee aad joogtid casrigan cusub. Mu’adinka codkiisa khushuuca leh ee macaan, iyo asluubkiisa qurxoon ee leh dhawaqqii Cusmaaniyiinta iyo hab labiskiisa bilicsan. Iyo imaamka leh cilmiga maadiga iyo diintaba, codkiisuna uu macaan yahay, oo aad ka garanaysid in ay gayaan u yihiin hawshaas weyn ee qiimiga leh, ayna u tabobaranyihiin. Haddaba waxa ka dambeeyay guushaas aragti hal-abuureed oo ka ahaatay dawladdooda.
Guul na jiri mayso, haddii booskii (waa masaajidkee) u gu muhiimsanaa ee wadammada islaamka la ga beddali lahaa kaalintiisa la lumiyo. Sidaas ayaa ay la yaab u noqonayn in ay masaajiddaasi qayb muhiim ah ka ahaayeen fashilintii af-gembigii Turkiga, inta badan masaajidduna waa ay diideen af-ganbigaas, sida masjidka Salafiyada, kan Suufiyada iyo kan Xarakiga ah inta ba.
9. Is-jilku (copy) waa marin guuldareed, gaar-ahaanshiyuhu na waa marin guuleed. Waana middaas tan ka dhigtay telefishinka Alcarabiya mid fashilma oo kaalimaha dambe gala. Waxay goorwalbe is ku dayaan jilidda Aljazeera, isla markaasna waa kuwo ku hoobtay dhammaan imtixaannadii, si la mid ah sidii ay ugu dhacdeen imtixaankii “Guga Carbeed الربيع العربي” ayaa ay haddana markale ugu fashilmeen “Gugii Turkiga”, waxaana la yaab ahayd sheegiddii ay sheegeen waqti hore ba in af-gambigii si guul leh u dhacay. Sidaas ayay na wili ugu caantahay in ay tahay telefishin nacamleeye ah, ka na soo horjeeda isbeddel ka. Guushu kuma xirna kaliya diikoor sare oo la beddelo, ee waxa uu ku xiranyahay beddel lagu sameeyo fekerka iyo dhaqanka. Dhanka kale waannu aragnay sida ay Aljazeera u warisay fashilka inqilaabkii, kaddib markii uu fashilmay. Aljazeera laftirkeedu waxa ay ku sigatay in ay iyana sheegto in afgembigu guulaystay kaddib markii ay aragtay bayaankii 1aad ee ka baxay telefishinka rasmiga ah ee Turkiga, laakin xirfaddooda warbaahineed oo saraysa awgeed, iyo qiyamta ay aaminsanyihiin, iyo sumaddooda ah [aragtida iyo aragtida kale] ayaa u diiday in ay hubsi la’aan ku dhawaaqaan in afgembigii najaxay, ku na guuleeyay in markale lagu ammaano hal-abuurkooda. Maalintii Ciraaq uu Maraykanku ku soo duulay illaa iyo hadda, kannaallo badan oo hanti badan haysta ayaa suuqa saxaafadda soo galay, laakin dhamaantood hal-abuur la’aan ayay la fashilmeen. Hal-abuuraha na wili kaalintiisii 1aad uu ugu sii jiraa.
10. Dr. Salman al-Cawdah waa ifafaalle (phenomenon) hal-abuur oo salafi ah. Noloshiisa dacwadeed waxa uu ku bilaabay salafinnimo adadag oo qalafsan, laakiin se waxa uu ku dambeeyay fekerkiisu salafi furfuran (منفتح), is ka ba daayee waxa aan anigu hubaal u oran karaa, inuu yahay; mufakir insaani ah, hadal jeedintiisa waa ku hal-abuur, isticmaalkiisa baraha bulshada waa ku hal-abuur, la dagaalanka uu mar mar u galo inaan maamulku dacwada go’doomin waa ku hal-abuur, la xiriirka dhalinyarada na waa ku hal-abuur, iska ba daayee waxa aad arkin in uu hal-abuur ku yahay xataa qaab hadal kiisa.
Cawdaha siddeetamaadkii, waa ka duwwanyahay cawdihii sagaashamaadka, Cawdihii intaas kaddibna ma ahan Cawdihii intaas ka hor, isbadalkaasna waa midaan lagu arag mufakiriinta Islaamiga ah ee Sucuudiga, sidaas baana keentay in uu maantay uu wili goobjoog uga ahaado saaxada sidii uu uga ahaa afartan sano ka hor.. sababtuna waa hal-abuurkiisa. Cawdah waa ifafaalle ka gooni ah kuwo la fikirka ah ee Salafiyada.
Waxaa kale oo is na jira ifafaalle kale oo gaar la noqday fekerkiisa ka na tirsan is la Salafiyada, waana Dr. Xaakim Almudayri; ninka leh kitaabka “Xorriyadda iyo Duufaanta -الحرية والطوفان”, kitaab kaasi waa mid ka mid ah kutubta ugu wanaagsan ee aan akhriyay, wuxuu aad ugu faaqidayaa xorriyadda xagalkeeda shareecada Islaamka, si fiican ayuu na u kala dhigdhigay buuggiisa, waxa uu na af buuxa si aan baqdin lahayni ugu yiri: “dadka maantay waxaa loogu yeerayaa diin, diintaas oo hadaysanba ahayn mid la foolxumeeyay noqonaysa mid qiimiheedii la dhimay oo aan ummadba toosin karayn, wadada toosanna ku haga hayn, ee ah silsilado iyo raadad hore uun. Islaamka dhabta ah na bari buu ka yahay. Waxa ayna taasi horseedday xaaladda maantay dunida islaamku ku sugantahay, ee leh dib u dhacca , burburka, dulmiga iyo fasaadka ba. Waxaana la ga ma maarmaan ah in dib loogu laabto fekerka islaamka.”
Dr. Xaakim Almudayri waxa uu ku abtirsadaa madarasada Salafiyada, waxa uu na dhigtay madarsadeeda gaar ahaan qaybta Kitaabka iyo Sunnaha ee Jaamacadda Umul-qura, hase ahaatee waxa uu sidoo kale wax ku bartay Jaamicadda Brimingham, darajada Diktooraadana uu ka diyaariyay , waxa uu kulmistay fekerkii Salafiyada iyo kii galbeedka, waa uu na soo shaac baxay, waxa uu na hal-abuurkiisa ku gaaray natiijo tan salafiyada kale ka duwan.
Hal-abuuruhu badanaa ba, waa mid ka duwan kuwa la mid ka ah, gaar-ahaanshuhu na waa guul. Ahoow marka naftaada, oo ha noqon warqad baahi loo isticmaalo uun. Iska na jir in lagu harawsado ama feker la gu gu addoonsado, ahow maalin walboo cusub mid boorka is ka jafa. Feker ahaanna waligaa ha u wahsan, dunidaan boos u ga ma bannaana kuwa wahsiga badan e.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
Jimce, 7 Apr, 2017.
Source:
Comments
Post a Comment