AWOODDA MU'MINKA
W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan S. Bashiir.
1. Dhabtii mu’minka awooddiisu waa mid caqiido iyo feker. Mase ahan murqyo la kuuso sida kuwo badani ay u haystaan, sidaasi darteed ayuu islaamku uga yeelay dhisidda qof dhammaystiran yool bud-dhig u ah ababinta. Ahow qof gudaha ka xooggan, oo ha ka mid noqon kuwa mudnaanta qolof ka sare kaliya siiya ( الإهتمام الديكوري).
2. Awoodda wadammada hor-umaray ma ahan kaliya awood militari, ma na ahan tirada ciiddammada hubaysan ee ay haystaan, taasi waa halbeeg hore. Tusaale: wadammada Scandinavian-ka ma lahan awood ciidan oo ay ku maquuniyaan kuwa kale, balse waxay leeyihiin feker xooggan, aqoon saraysa iyo adeeg caafimaad oo dhamaystiran.. ahow adiguna mid feker ahaan u xooggan, aqoon ahaan u dhisan, caafimaadkiisana ka shaqeeya; si aad dhismaha bulshada uga noqotid xubin wanaagsanoo caafimaad qaba.
3. Awooddu waxa ay ku jirtaa jirka dhamayska ah ee ku ma jirto hurdo badan, ku mana jirto waqtiyada raaxaysiga oo la badsado, ku mana ay jirto cunto badan, hase ahaatee awooddu waxa ay ku jirtaa socod joogto ah, nasasho maalinle ah, kala duwid nooca wax qabad, iyo cuntada aad cunaysid oo aad daryeeshid taydadeeda iyo nooceedaba.. ahow akhris badane, firfircooni iyo socod badan, jecelna fanka nasashada.
4. Awooddu waxa ay ku jirtaa nolosha reernimo ee guulaysatay iyo ku raaxaysigeeda, iyo ku la noolaashiyaha ehelkaaga dhaqammada sarsareeya. Ahow marka mid ku dhex nool degaan reernimo oo fayow, fannaanna ku noqo ku raaxaysiga noloshaas reernimo, sababtoo ah noloshaas ayay raaxo-nafeed oo xeel dheer dhex ahaatay e.
5. Awooddu waxay dhex ahaatay dacwada iyo ka shaqaynta feker aad rumeysantahay, nololna ma jirto feker la’aan, fekerna ma jiro la falgelid iyo la’aan, qofka aanan marka feker lahayn awood ma lahan, waana sida uu qur’aanku ku tilmaamay ” كأنهم خشب مسندة”. Haddaba ahaw gacalle mid feker la nool, aad awood ka heshid e, hana ka yeelin fekraddaas mid aan boos ku yeelan waaqicaaga, dadkana ku dhex nooloow adiga oo ahaanaya mid gaar noqda, hana ka wada fogaan dadka oo idil, taas ayaa awoodda ah e (dhexgalid bulsho oo gaar ahaanshiyo la jiro).
6. Awooddu waxay ku jirtaa wax bixinta, iyo bulshadoo wax bixintaas lagula dhex noolaado. Dadka waxaa kamid ah: mid wax qaata oo aan wax bixin. Iyo mid wax bixiya aan se wax qaadan. Iyo mid wax bixiya, waxna qaata. Iyo mid aanan waxba qaadan waxna aan bixin. Ganacsatadu badanaa wax bay bixiyaan waxna waa ay qaataan. Ragga fekerka iyo dacwaddana waxbay bixiyaan mase qaataan -waana masalo xiriir la leh taariikhdii nabiyadii iyo risaalooyinka e.. ka mid ahow badanaa kuwa wax bixiya xisaab la’aan, hana ka sugin dadka abaal marin, waayo badanaa dadka taariikhda gala waa kuwa wax u bixiya xisaab la’aan, waa na middaas awooddu. Miyaysan kamid ahayn hadalladii ugu dambeeyay ee Cumar Almukhtar -dhimashadiisa ka hor, mid arrinkaasi ku tusinaya, marka uu yiri: “Isma dhiibno, waan guulaysanna ama dhimannaa.” Taas ayaa ahaatay halbeegga-awoodeed ee dadka WAAWEYN.
7. Awooddu waa abuuridda xiriirrada, iyo samaynta xiriirro tayo leh oo kala duwan, ee ma ahan ka-dididda dadka waajihiddooda, ha noqon mid xirxiran, kelinnimona ha ka raadin farxad, taasi waa waddada kuwa ku fashilma abuuridda xiriirrada dheelliga-tiran e, hana isku dayin inaad dadka u laba-wajiilaysid, ee fannaan ku noqo kasbashada saaxiibbada, iskuna day in aad yeelatid dareen aad saaxiibka uga aqoonsatid cadowga, laakinse ha dareensiin natiijada.
8. Awooddu waxa ay ku jirtaa ruuxda iyo dhisidda naf isku xiran isna haysata, iyo helitaanka waxyaalo ruuxi ah oo ruuxda kor u qaadaya, gudaha na ka yimaadda, ee awooddu ma ahan qofku inta shay ee uu haysto, oo waxa la helayaa qof kun baabuur haysta iyo kun guri, balse gudaha ka kala dhantaalan daciifna ka ah. Waxaan dhowaan arkay nin maamuus bulshada ku dhex leh -hantida uu haysto oo badan awgeed, balse u ooyay sidii ilmihii markay xaaskiisa is khilaafeen, ma uusan awoodin xataa in uu khilaafkoodaas si kalgacayl leh u dhammeeyo, sababtoo ah noocaan oo kale ma awoodo nolosha in uu waajaho isaga oo ay shakhsiyaddiisu tahay mid is haysata oo xooggan. Waxa kale oo jira mid aan quutul yawmigiisa helin, laakin dadka dhexdooda awood-shakhsiyadeed ku dhex leh, sababtuna waa gudaha oo uu ka xooggan yahay.
Ahoow mid Allihiisa ku xiran, awooddana xag Alle ka qaado, Alle ayay awoodi oo dhammi u sugnaatay e, walxahana ha u arkin inay iyagu yihiin kuwa awoodda bixiya, u se arag in ay yihiin waddooyin ee aysan ahayn yoolal.
9. Awooddu waxay ku jirtaa aragga mustaqbalka ee kuma ay jirto la noolaanshaha xanuunnadii shalay. Dadka in badan oo kamid ah waxay eedeeyaan waqtiga, sooyaalkana way ka dhib sheegtaan, laakinse kama faa’iidaystaan awoodda naftooda dhex taal. Ku dhex noolaanshaha xanuunnada dhexdooda waa taag-darri, ka sheekaynta tagtadana waa masuuliyad ka cararnimo, ha ahaan dhibbane la nool sheekooyinka laga wariyay adaygga waqtiga, annaga ayaa ka awwood badan adayggaas e.. oo waxa aan leennahay awood aan taariikhda ku sameyn karno. Ahow mustaqbal-sameeye adigoo adeegsanaya walxaha ku horyaal, hana raadraadin yididiillo uun e sameyso muqtabalkaaga.
10. Awooddu waxa ay dhex ahaatay deggenaanta nafsadeed, iyo caafimaadkeeda dheelliga-tiran, ee awooddu ma aysan dhex ahaan ku muujjinta farxad been ah dadka hortooda. Waxaa jira mid dadka hortooda ku muujiya farxaddiisa beenta ah asagoo adeegsanaya dhoolla-cadayn iyo la haanshiyaha walxo cusub. Galbeedka waxaa jira madarasad dhan oo baarta sababta farxadda beenta ah, waxaana la ogaaday kuwa ugu badan ee is dila in ay yihiin kuwaas. Farxadi ma jirto degganaan nafsadeed iyo mid caafimaad la’aantood, is ka jir degganaanta iyo farxad-nafsadeedka beenta ah. Awoodda dhabta ahina sidaas ayay uga bilaabataa gudaha, ma ahan muuqaal dibadda kaliya ah.
“المؤمن القوي خير وأحب إلي الله من المؤمن الضعيف ، وفي كل خير .”
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
April 2017.
Source:
Comments
Post a Comment