U TURA ISLAAMNIMADA!
W/Q: Dr. Salman al-Odah.
Saaxiib ayaa shalay iiga waramay lammaane reer Yurub ahaa oo ka guuray magaalo ka mid ah magaalooyinka carbeed, warkoodana meeshuu ku dambeeyayna in muddo ah la la’aa, dabadeed laga war helay in ay waddankoodii ku laabteen kana baxeen diinta Islaamka ayaga iyo ilmohoodiiba.
Waraysiyo dhawr ah oo lala yeeshay kaddib, waxaa caddaatay in ay la shoogeen/argagaxeen xaalado aysan filaynin oo ay muslimkii kala soo kulmeen, xaaladahaasoo isugu jiray midab-takoor, xad-gudubyo jinsi ah, iyo munaafaqad-bulsheed ka dhex jirtay goobaha waxbarasho ee wadankaas. U tur kuwa xaq-raadiska ah, xilligan adag.
Magaca Islaamka ayaa lagu laayaa kuwo aanan waxba galabsan, kan dilayana ku hadaaqayaa : Allaahu akbar. Warbaahintana lagu faafiyaa kumannaan muuqaal oo gawrac, dil, iyo dhayalsi nololeed isugu jira! Iyada oo wiliba la adeegsanayo magaca: Dowladda Islaamka, ama u aargudka Xusseen.
Kan fulinaya argagixintaas waa dhinac ka mid ah argagixisada, hase-ahaatee midka faafinaya kana yeelaya muuqaalladaas badeecad dadka oo idil ay wada heli karaan, waa kan fudaydsanaya batanka “share” si ay uga dhigaan xumaantaas mid wakhtiga la faafta -niyad wanaag darteed haba u faafshaane.
Wadammadii caraabta iyo kuwii islaamkuba waxa ay noqdeen khad cas oo la isku duudsiiyo xuquuqda, looguna xadgudbo ciyaalka, dumarka, waayeelka iyo kuwa taagta daran. Ayna ku noolyihiin tiro badan oo naafo ah, kuna waxyeelloobay dagaallo micno darro iskaga dhacay, waxna u burburiya si hal haleel ah.
Waxa ayna kaalimaha ugu dambeeya ka galaan tartanka dunida ee horumarka, caddaaladda, waxbarashada, caafimaadka, shaqaaleysiinta, daah-furnaanta iyo hor-umarka dhaqaale. Qisooyinka ku saabsan xadgudubyada lagula kacayo ilmaha iyo dumarka waa ay sii badanayyaan, qaybtoodna cadaymo sawiro ah ayayba leeyihiin.
Xaalado badan ayaan magaalooyinkeennan ku arkay waalid suuqqa ama gegida-dayuuradaha dhexdiisa ku guulguulaya, ku aflagaaddaynaya amaba ugu gacan qaadaya ilmahooda. Dhaqankaasi waxa uu nooga yimid ushii adkayd ee loo adeegsan jiray barbaarinteennii. Kuwa hor-umaray maalintii ay aqoon kala dhaxlayeen annagu ushaas adag ayaannu ahayn kuwo kala dhaxla.
Khadiib ayaa minbarka fuulaya kuna hadlaya aragtidiisa gaaban iyo ra’yigiisa khaaska ah, kaas oo laga yaabo in aysan aqabali karin xataa kuwa isaga xiga, asna uu codka ugu dheeraysanayaa aragtidaas jilicsan, isaga oo sidaas u malaynaya geesinnimo iyo xaq-caddeyn in ay tahay, yuusanba xag Alle caddayn iyo xujjoba ka sidan e, ma na ahan mid leh aqoon, hanuunsani iyo xujjo cad intaba.
Waxaana laga yaabaa inuu ka hadlayo mas’alo cilmiga kawnka ku saabsan, taas oo noqotay waxyaabaha muran-ma-doontada iska ah maantay, ayna garanayaan xataa kuwa aqoonta yari, asna uu ku raddinayo/diidayo magaca Alle, iyo kan islaamka iyo kan qur’aankaba. Alla! maxaynu ku dhiiran ognahay Alle, annaga oo adeegsanayna MAGACIISA suubban.
Bulshooyin ehlu-ddiin ah ayaa ka caajisay in ay kala-duwanaantooda fahmaan, dabadeedna degaankoodu isu baddelay bohollo isqabqabsi oo lagu la’do, degaankaasoo dagaalkiisu dhammaadba lahayn inuu marba dib u sii bilaabmo mooyee.
Waxa aannu nahay bay’ad marba marka kasii dambaysa soo jiidanaysa dhaqammada ba’an, kuwa diinta qaadanaya ee islaamaya xataa waxa aan ku bilawnaa inaan ku quudinno micnayaashaas taban.
Ku mashquulidda arrimo yaryar oo shakli iyo farac ah, wiliba la isku khilaafsanyahay ayaa maamushay fekerkiinnii iyo mudnaan-siinteennii labadaba.. nagana mashquuliyay Alle, noloshii, shaqadii, xadaaraddii iyo hal-abuurkiiba.
Warbaahin, lagu maalgaliyo hanti carbeed iyo mid islaam, oo hagta waxna u tabisa caqliyo carbeed iyo kuwo islaameedba ayaa hadana aan huwiyo/ahaansho u adeegayn, dhibaatana aan daweynayn, akhlaaqna aan dhiseyn, cadaalad iyo xaqsoorna aan wax ku ababinayn.
Caydu waxa ay ahayd mid qarsoon oo ay in yari uun adeegsan jirtay, yaa sidan oo dhan daaha uga fayday?!
Waagii hore khaladaadkaannu gali jirnay waxa uu ahaa mid degaankeenna uun si ugu koobnaada, hase-yeeshee baraha bulshada ee tirada badan ee maantay jira ma uusan noqon khaladkeennii mid la fahmayo, waxuu khaladkeennu dhaafay soohdintii asxaabta iyo ehelka una tallaabay caalamka. Caalamkaasoo aan garanayn heerkeenna, wiliba aan tixgalinayn duruufta hadalkeenna iyo sababtiisa.. se uu yahay mid u fasiranaya sida uu doono, lagana yaabo inuu kan fasiranaya uu yahayba mid aan aqoon lahayn ama se niyad-xun.
Awwoodo caalami ah iyo ururro ayaa maalgelin ku bixinaya si ay muuqaal xun ugu suntaan islaamka, dadkiisa iyo taariikhdiisaba. Halkii dhacdona ka samaynaya qiso ballaaran oo lagu soo celceliyo goor walbe, si ay uga dhaadhacdo daawadayaasha, una abuurto gidaarro ka samaysan naceyb iyo baqdin laga baqo diinta islaamka.
—
Waa ay jiraan arrimo TOGAN oo muuqaalku gabigiisba ma wada xuma, haseyeeshee in aan aragno barahaas madaw waa khasab; si aynu isaga baabi’inno, u saxno ama u dhinno sii jiritaanka dhibaatooyinkaasi.
Waxaa se in badan in la iswaydiiyo mudan:
Meeye ciddii akhlaaq wanaagsan tusaale ku noqon lahayd ee dhallinta bulshadeenna kamid ka ah, kuwaas oo kalsoonidii ay culimada ku qabeen gilgilatay, kuwo kamid ahna ay dhuntay kalsoonidii ay diintooda suubban ku qabeen. Qaybtoodna ay xag-jirsadeen, qayb kalena ay jiritaanka Alle SW diideen, kulana dhiiradeen Alle SW hadal xun, kana yeeleen micnayaashii iimaanka ee sarreeyay walax lagu jees-jeeso?
Meeye dadkii tusaale ku noqon lahaa caqli, fekker, dheellitir, dhaqan-suubni, oo matali lahaa jamaaco, ama maddaraso, ama xisbi ku sifooba tasaamuxa islaamka ee ballaaran?
Meeye madaaristii tusaale ku noqon lahaa dhisid tarbiyadeed, assal ka dhigasho risaaladii Nabiga CSW, fahan iyo bini Aadannimo?
Meeye bulshadii tusaalaha ku noqon lahayd waaqiciyada, isku xirnaanta, ixtiraamka kala aragti duwanaanshiyaha, is-xiriiriinta, wanaagga, is-cafinta iyo samofalka?
Meeyay maamulkii tusaalaha ku noqon lahaa cadaaladda, hor-umarka, qorshaynta iyo bixinta xuquuqaha?
Aawway faqiihii asagu ku barbaari lahaa, dadkana ku ababin lahaa xeerka ah: (dadku ku sheekaysan mayaan..
لا يتحدَّث الناس )!
In kaliya la hadlaa waa ay fududdahay. Qayb kamid ah akhristayaashana waan ku raacsannahay faallooyinka ay maqaalkaan ka dhiiban doonaan, kuwaasi oo masuuliyadda i saari doona, ama idhihi doona “hadalkani waa mithaali (ideal) male-awaal iska ah, waxa aadna sawirtay wax aannu si wacan u niqiinnay, se nooma aadan xarriiqin waddadii looga bixi lahaa dhibaatooyinkaas aad xustay”!
In aan mar-mar MURAAYAD noqdo haba muujisee muryaayaddu inta xun, ayaa iiga wanaagsan in aan ahaado mid aamusan, ama se aan dadka dhexdooda kasoo caytamo.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.
X/S: John Moore [gettyimages].
Talaado, 6 Juun, 2017.
Source:
Comments
Post a Comment